Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka
    February 14, 2026
    Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
    February 14, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga
    February 13, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis ababa kaga qayb gelaya shirka madaxda Afrika
    February 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
GudahaMaqaalladaWararka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 19, 2026
8 Min Read
Share

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud, Soomaalidu ma aqbalin in la xukumo ama la addoonsado. Iyagoo aan haysan dowlad mideysan iyo hub casri ah, haddana waxay si toos ah ula dagaallameen quwadihii ugu xoogga badnaa dunida muddo ka badan labaatan sano. Halganadii Daraawiishta iyo geesiyaal Soomaaliyeed waxay muujiyeen in xorriyaddu ka qiimo badan tahay nolol la hoos joogo gumaysi. Taariikhdu waxay caddeynaysaa in Soomaalidu yihiin dad dhiirran, karti leh, kana marag kacay gumaystihi reer yurub ee waqtigas ku so duulay Afrika.

Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, istiraatiijiyad juqraafiyeed iyo awood bulsho oo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan. Sida uu ku muujinayo wareysiga Danjire. Daahir Maxamuud Geelle, Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel taariikhi ah oo u baahan aragti fog, maalgashi iyo kaabayaal dhaqaale si ay u noqoto dal kaalin muuqata ka qaata gobolka iyo caalamkaba.

Soomaaliya waxay ku taallaa meel ay ku kulmaan laba bulsho oo waaweyn: Bulshooyinka Afrikaanka madow iyo kuwa Carabta. Isgoyskan dhaqan, diin iyo ganacsi wuxuu dalka siinayaa kaalmo istiraatiiji ah oo ka duwan dalal badan oo ku yaalla gobolka. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay u dhexaysaa laba qaaradood, Afrika iyo Aasiya, taas oo ka dhigaysa buundo isku xirta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wareysiga Danjire Daahir waxaa lagu soo koobi karaa in Soomaaliya dhacdo isgoys istiraatiiji ah: halka isku xirta laba qaaradood, kulmisa laba bulsho (Afrikaan iyo Carab), laba bad (Badda Cas iyo Badweynta Hindiya) iyo laba marin-biyood oo caalami ah. Isku darka arrimahan ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal leh mustaqbal weyn. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa aragti fog, hoggaan wax-ku-ool ah iyo maalgashi u dhigma kheyraadka iyo fursadaha uu dalku leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laascaanood kaga qeyb galay caleema saarka Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka lixaad ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhawaan la aqoonsaday.

Munaasabadaan ayaa ku soo beegantay xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd madax-banaanideeda Qaranimo iyo madax-banaanideeda dhuleed, ka dib markii ay Israa’iil dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, taas oo ka caraeysiisay Beesha caalamka iyo wadamada kulaala Badda Cas, iyadoo dalal badani sheegeen in go’aanka Tel Aviv uu ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya.

“Waxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Kumanaanka shacabka reer Laasacaanood ee isugu jira Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, Culumaa’udiinka iyo mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka, kuwaasi oo safafka dhaadheer u soo galay soo dhoweynteenna”, siaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud.

“Magaalada taariikhda hodanka ah leh ee  Laascaanood, waxa ay  astaan u tahay adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana muddada aan joogno  kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska”, ayuu sii raaciyay Dr.Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha maamul Waqooy Bari ee Soomaaliya ayaa si weyn u ammaanay qabkii loo asoo agaasimaha munassabadda, islamarkaana mahadcelin u soo jeediyay dhammaan intii ka soo qeybgashay, waxaase uu sheegay hadal taariikhda galaya.

“Waa nasiib-darro in Madaxweyne Qoor qoor fadhiyo, halka Deni uu maqan yahay; kan kalena (Madoobe) anigu Madaxweyne uma aqaan. In Qoorqoor joogo, Deni-na maqan yahay waa taariikh iyo calaamad muujinaysa in laga gudbay reer-reer loona gudbay Soomaalinimo.”

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Marka sow lama dhihi karo magaalada Laascaanood waa caasimadda midnimada dalka.

Dhinaca kale Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda. Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah. Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad…

February 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Afhayeenka gaashaandhiga oo ka hadlay bannaanbaxyada ka dhanka ah khawaarijta ee ka dhacay muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan dibedbaxyada ka dhanka ah nabad-diidka…

GudahaWararka
April 8, 2025

Howlgal xagga cirka ah oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad argagixiso ahaa

Dhuusamareeb-(SONNA)-CiidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xuuraanka NISA ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay furliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka CXDS…

GudahaWararka
March 20, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed oo karmeeray Dugsiga Tababarka General Kaahiye

Muqdisho,(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)…

GudahaWararka
July 20, 2023

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada

Muqdisho(SONNA):-Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada…

Wararka
May 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023