Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”
GudahaWararka

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”

By Sonna Whiteka
Last updated: August 8, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – La-taliyaha Amniga Qaranka mudane Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkan isla markaana howlgalka cusub uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladdu go’aamineyso.

Mudane Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlgalka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

“Waqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hadda gabagaboobaya December 31” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mudane Xuseen ayaa xusay in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd Khawaarijta, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howlgalkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.”

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwanyahay howlgalkii hore ayuu yiri “Wuxuu uga duwanyahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xoogga, si kala wareegga u fududaado marka aan ka maarano”.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah dowlada la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doona.

“Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana go’aan laga gaari doonaa marka Golaha Ammaanka ansixiyo heshiiska”.ayuu mudane Xuseen Macalin hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Haweeneyda la dhalatay Hoggaamiayha Kuuriyada Waqooyi oo kamid noqotay dadka dejiya siyaasadda Waddankaas

Gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa olole cusub oo ka dhan…

Wararka
June 10, 2020

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY KULAN KU SAABSAN XASILLOONIDA IYO HORUMARKA GOBOLKA

Washington (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan…

GudahaWararka
December 14, 2022

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Aljeer (SONNA) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay…

GudahaWararka
September 7, 2025

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭a𝐲 ha𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 t𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚d𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Geneva-Switzerland-(SONNA)-Wasiirka Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Guuleed…

GudahaWararka
February 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023