Muqdisho(SONNA):-Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa ka jira goobaha ay xoogga ku haysato kooxda khawaarijta.
Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ay heshay magacyada horjoogayaasha caruurtooda kala baxay deegaanada ay dalka ka joogaan khawaarijta, iyaga oo geeyay deegaannada iyo Dowlad goboleedyada kale ee dalka.
Waa kuwan magacyada qaar kamid ah Horjoogeyaasha carruurtooda la baxsaday
1. horjooge Axmed Diiriye oo ah horjoogaha ugu sareeya kooxda khawaarijta,kaas oo markii hore ba carruurtiisa aanay ku noolayn deegaanada ay khawaarijtu joogto.
2.horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda degmada Afmadow ayaa isaguna carruurtiisa kala cararay deegaanka Kuunyo Barow isagoo la aaday deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed.
3.horjooge Abu-muslim oo kasoo jeeda degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa isaguna la xaqiijiyey in Carruurtiisa oo hore ugu kala noolaa degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe iyo degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isaguna la xaqiijiyey inuu carruurtiisa ula cararay magaalooyinka Nabdoon ee aanay khawaarijta ka joogin deeganada Koonfur-galbeed.
4.horjoogayaasha kala ah Maxamed Mire iyo Buli oo kasoo kala jeeda degmada Eyl ee gobolka Bari iyo degmada Boosaaso ayaa iyagana la xaqiijiyey in ay carruurtooda ula kala baxsadeen magaalooyin aanay khawaarinta ku sugnan oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
Dagaalka ka dhanka Kooxda Khawaarijta ayaa galay wajigii labaad, waxaana iska garabsanaya Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.