Muqdisho (SONNA):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Saalax Shariif Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday deegaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw ee Gobolka Bay.
Kusimaha wasiirka ahna wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha ayaa halkaas kula hadlay ciidanka Xoogga Dalka oo saldhigga ku leh deegaankaas, isagoo ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka kareen dagaalka Khawaarijta.
Xildhibaan Saalax Shariif Cali ayaa u sheegay cutubyada Xoogga Dalka ee ka tirsan qeybta 60-aad in Khawaarijta gabalkooda sii dhacaya dhawaan lagu qaado doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada una diyaar garoowaan qeybta uga aadan.
Wasiirka waxaa ku wehlinayey socdaalkiisa, wasiirka Garsoorka Konfur Galbeed Hassan Abdulkadir Mohamed iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee ciidanka Xooga Dalka Genaral Hassan Baydhabo iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.