Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay
    March 30, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala
    March 30, 2026
    Ra’iisal wasaare Xamsa oo magacaabay wasiir ku xigeeno cusub
    March 30, 2026
    Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS oo maamul cusub u magacowday degmada Diinsoor
    March 30, 2026
    CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO
    March 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay
GudahaWararka

Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay

By Bile
Last updated: August 19, 2023
3 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Kulan Wadatashi iyo Aqoon –Isweedaarsi isugu jiray isla markaana ay soo agaasintay Xarunta Heerka-Sare ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta  Deegganka ee Urur Gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Ayaa manata ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxanaa ka soo qeyb-galay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururada bulsahda Rayidka, Jaamacadaha iyo kubarada ka shaqeeyo Isbeddalka Cimilada.

Ujeeddada guud ee aqoon-is-weydaarsigan  ayaa ah ka qaybgelka daneeyayaasha, khubarada farsamada, ka wada-hadlidda istaraatiijiyada la qabsiga  cimilada ee gobolka si waafaqsan  heer Gobol ama Caalami ah iyo Siyaasadaha qaranka ee dawladaha xubnaha ka ah IGAD. Waxaa kale oo wadatashigaan uu iftiiminayaa xeeladaha loogu talagalay in si wax-ku -ool ah looga jawaabo khataraha isbeddelka cimilada, Iyada oo diiradda la saaraayo wada-hadallada waxtar u naqon doona cimilada gobolka, xubnaha mudnaanta la qabsiga si loo xoojiyo Istaraatiijiyadda la qabsiga Cimillada gobolka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qeexay ahmiyadda ballaaran ee uu leeyahay wadatashiyga nuucaa oo kale ah,iyo in dadweynuhu kaallin xooggan ku yeeashaan Istaarajiyadda La-qabsiga Isbeddalka Cimilada heerka Gobal ah.

“Waxaan codadkooda siin doonnaa dadweynaha si ay qeyb uga noqdaan ilaalinta deegaanka heer gobal iyo Calami ah, sidoo kalana ay IGAD ku bogooaadinayaan dadaallada ay waddo ee ah ka hortagga ilaalinta xaalufinta deegaanka.”-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Mudane Axmed Yuusuf Axmed.

Dhanka kale, dadaallada ilaalinta ee dalalka ku midoobay IGAD ee kala ah; Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Uganda ayaa Hadafkooda oo wadajira yahay in Xaruntu  laga taageero  u diyaargarowga La-qabsiga dhaqamada maaraynta deegaanka ee waara iyo xalalka laqabsiga ku haboon ee Isbadalka Cimallada gobolka.

“In la ballaariyo ka qeybgalka dadweynaha ee la dagaallanka xaalufinta deegaanka waa muhiim si loo kordhiyo wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka, IGAD ayaa u taagan markastaba ilaalinta deegaanka, annaga waan ku garabtaagannahay”. -Agaasimaha Wasaaradda Beeraha XFS Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud

Madaxa Mashaariicda Laqabsiga Xarunta heerka-Sare ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta  Deegganka ee Urur gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi ayaa qeexay muhiimada u leedahay  Istaraatijiiyadu La-qabsiga Isbadlaka Cimilada guud ahaan Gobalka iyo Heerk Qaran.

“Xalka mushkiladaha hadda jira ee ka dhashay isbeddelka cilmilada waa kuwo xal u baahan, sidoo kale waa in ay fahmaan dadkeennu saameynta cimilada, waxaan ku dadaali doonnaa in aan xal u helno mushkiladaha ka dhashay isbeddelka cimilada, annaaga oo garab iyo taageero ka helayna (IGAD-CAEP) oo waqtiga badan ku bixisa xal u helidda isbeddelka Cimilada”. Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi – X. La-qabsiga Isbadalka Cimilada IGAD

Urur gobaleedka  IGAD oo ay ku midaysanyihiin Siddeed dal ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee gobolka geeska haysto, taa oo ay lagama-maarmaan ay tahay in xal waara loo helo.

TAGGED:Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo muqdisho lagu qabtay
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa…

March 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan oo taageero loogu muujiyey DFS

Khartoum (SONNA):- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan ayaa looga hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dhuleed ee…

CaalamkaGudahaWararka
January 4, 2024

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka tacsiyadeysay dadki ku dhintay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay falkii foosha xumaa…

Wararka
December 18, 2020

Madaxda Hay’adaha Amniga iyo M/G Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlay amniga maalmaha Ciida

Muqdisho(SONNA):-Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan lagaga hadlay amniga maalmaha barakaysan ee Ciida. Taliyaha Ciidanka Booliska,…

GudahaWararka
June 6, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo lagu soo dhaweeyay Garbahaarey

Gedo(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey…

GudahaWararka
November 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023