Muqdisho(SONNA):-Kulan afur wadareed ah oo lagu xoojinayey nabadda iyo amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir, kana qeyb galeen xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dasruurka,Wasiirka Arrimaha Guddaha, guddoonka gobolka Banaadir,kuxigeeka amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha amniga iyo masโuuliyiin kale ayaa sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah degmada Dayniile.
Kulanka inta uu socday, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay sida ay muhiim u tahay isla shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga taasi oo suurtogelineysa dardargelinta amniga iyo ka hortagga khatarta Khawaarijta.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in afurka lagu qabtay duleedka Deyniile uu muujinayo dadaallada hayโadaha amniga ee xagga xaqiijinta ammaanka iyo jawaabta weerarkii fulaynimada ahaa ee Khawaarijta ay bakhtigoodu keeneen gudaha caasimadda Muqdisho, waxaa uuna xaqiijiyay in dagaalka ka dhanka argigixisada uu halkiisa ka sii soconayo isaga oo u digay kooxaha Baraha Bulshada ka taageero Khawaarijta.