Muqdisho(SONNA):-Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhex martay kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh. Kooxda degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Warsheekh.
