Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kooxaha khawaarijta oo iska dilay horjoogayaal sar sare
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Kooxaha khawaarijta oo iska dilay horjoogayaal sar sare
MaqaalladaWararka

Kooxaha khawaarijta oo iska dilay horjoogayaal sar sare

By SB
Last updated: April 7, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawaarijta ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa maalmihii u dambeeyey iska khaarajiyey horjoogayaal sar sare,horjoogayaashan ayaa lagu kala khaarajiyey gobolada Shabeellaha dhexe  iyo Jubbada dhexe.

Horjoogayaashan ayaa ka kala tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish,horjogayaashan ayaa ahaa in mudo maxaabiis u xir xirnaa kooxda Al-shabaab.

Sida ay ogaatay warbaahinta qaranku kuna heshay liiska horjoogayaasha la khaarajiyey ayaa waxay kala yihiin sida hoos ku qoran.

1: horjooge Cali Aadan oo hore uga tirsanaan jiray khawaarijta Al-shabaab hore na uga qayb qaatay dagaalo ka dhacay Muqdisho kaas asal ahaan kasoo jeeday degmada Jilib kaas oo khawaarijta Al-shabaab u xirnaa ilaa sanadii 2017 ka dib markii uu cadaystay inuu ku biiray kooxda Daacish.

2: horjooge Anas Dheere wuxuu hore uga tirsanaa kooxda khawaarijta Al-shabaab isagoo u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhada gobolada Jubbooyinka isagoo ka baxay Shabaab 2016 isagoo ku biiray daacish balse waxa xirtay kooxda Shabaab horjooge Anas ayaa kasoo jeeday deegaanka Xeraalle.

3: horjooge Fayfle oo Daacish u qaabilsanaa qaybta soo dhowaynta ajaanibta Soomaliya imaanaysa deegaamayntooda horena uga tirsanaa shabaab balse galay gacanta Al-shabaab 2018 ayaa ka mid ah dadka loo dilay inuu Daacish ka tirsan yihiin.

4: horjooge Jibriil Nuur Yuusuf oo markiisii hore ka mid ahaa aasaasayaasha warbaahinta kooxda Al-shabaab balse markii dambe ku biiray kooxda Daacish,jibriil ayaa ilaa 2017 u xirnaa kooxda Shabaab kaas oo hadda la xaqiijiyey in ay dileen,Jibriil ayaa wuxuu kasoo jeeday deegaanka Ceel Baraf.

Ka sokow horjoogayaashan la khaarajiyey waxa sidoo kale jira horjoogeyaal kale oo ku jira gacanta kooxda Al-shabaab kuwaas oo sida xoggaha sheegayaan la filayo in iyagana maalmaha soo socda la khawaarajiyo,sida ay warbaahinta qaranka ogaatay horjoogayaashan ayaa kala ah horjooge Ayuub Suudani oo kasoo jeeda dalka Sudan,horjooge Abu Maxamed makhribi oo kasoo jeeda dalka Aljeeriya iyo Abu muscab oo Soomaali ah balse haysta dhalashada dalka Jarmalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gudidda Difaaca aqalka Sare oo furay tababar ku saabsan habraaca dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca

Muqdisho(SONNQ):-Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta daah furay…

GudahaWararka
August 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Ciyaartooyda dalkeenna ku matalaya Olombikada Adduunka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya Dalkeenna Ciyaaraha…

GudahaWararka
July 15, 2021

Howlgalo qorsheyn oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Jamaame ayaa lagu dilay 50 dhagar qabe

Kismaayo-(SONNA)-Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay jiinka wabiga Jubba ka wadeen Ciidamada Kala duwan Jubbaland gaar ahaan…

GudahaWararka
April 20, 2024

Madaxa Hay’adda SODMA oo Bakistaan kula kulmay Dhiggiisa dalkaasi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan ayaa booqday xarunta Hay’adda…

Gudaha
January 23, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023