Baydhabo(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Abduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Si-wadajir ah u shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID iyo Taliyasha Rugaha Booliska Baydhabo
Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta loogu xoreynayo Gobollada Baay, Bakool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.