Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee xafladdii abaalmarintta hoggaamineed (CONCORDIA)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee xafladdii abaalmarintta hoggaamineed (CONCORDIA)
Wararka

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee xafladdii abaalmarintta hoggaamineed (CONCORDIA)

By Kulane
Last updated: September 24, 2019
2 Min Read
Share

New York.(SONNA)…Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka  nabad loogu soo dabaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac qasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicirbarar joogto ah. Waxa intaasi dheer, khayraadka oo yar oo ay weheliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobbo qayb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.
Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka caafimaadka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday Inay Dowrkooda ka qaataan xakameynta faafitaanka COVID-19

Muqdisho; (SONNA)-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee…

Wararka
May 10, 2020

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisatay dacwad ka dhan ah Eedaysanayaal loo haysto musuq

Muqdisho(SONNA):-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa fadhiga 3aad ee dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan Hey'adda socdaalka iyo…

GudahaWararka
August 6, 2023

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay Shirka wacyigalinta ceymiska Xoolaha

Muqdiaho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka…

GudahaWararka
August 14, 2023

Mareykanka oo Haftar ugu baaqay in uu joojiyo dagaalada uu ka wado duleedka Tripoli

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday ciidamada Qaranka dalka Liibiya in ay joojiyaan dagaalada hujuuumka ah ee ay ku qaadayaan magalaada…

Wararka
November 16, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023