Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda
    November 26, 2025
    Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad
    November 26, 2025
    Wasiirka warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah
    November 25, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka 2-aad ee hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA
    November 25, 2025
    Wasiirka amniga oo Marroco uga qaybgalay shirka 93-aad ee INTERPOL
    November 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
Reading: Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)
Maqaallada

Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 25, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Xiisad aad u adag oo u dhaxeyso maleeshiyada Al-shabaab ee gabalkooda sii dhacaya iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa ka taagan gobolkaas.

Xiisaddan ayaa cirka isku sii shareertay markii Khawaarijta Al-shabaab siyaabo kala duwan ay isugu dhaceen qabaa’ilada dega bariga gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Ceelbuur, iyadoo xiisadda koowaad ay ka soo bilaabatay deegaanka Wabxo, halkaas oo dhallinyaro deegaanka oo ka carooday fal gacan qaad ah oo mid ka mid ah maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab uu u geystay gabar maqaayad ku iibineysay gudaha Wabxo.

Dhallinyarada ka carootay falkaas gacan qaadka ah oo saddex ahaa,islamarkaana maqaayadda ku sugnaa ayaa garaacis nafta ku dhaafsiiyay arxan-laawihii ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab,iyadoo markaas ka dib, dhallinyarada Khawaarijta ee saddexda ah u soo qafaasheen degmada Ceelbuur.

Khawaarijtu, waxay go’aamiyeen in saddexda Dhalinyaro ahba la toogto, balse taas waxaa ka biyo diiday odayaasha dhaqanka Ceelbuur oo iyagu is hortaagay inaan dhiiggooda la daadin dhallinyaradan reer wabxo, taas oo keentay in ay isku dhacaan horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab iyo odayaasha dhaqanka degmada Ceelbuur.

Dhinaca kale, isla odayaasha dhaqanka Ceelbuur iyo horjoogayaasha Khwaarijta Al-shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa iyaguna ay xiisad xooggan sidoo kale, soo kala dhex gashay, taas oo ka dhalatay markii odayaal dhaqameedyo diiday in ay bixiyaan lacago baad ah ay Khawaarijtu ku soo rogtay laga soo qafaashay deegaanka Garable isla gobolka Galguduud ka tirsan.

Falkaas odayaasha reer Garable lagu soo qafaashay waxaa hoggaaminayo oo Ceelbuur ku soo xiray odayaasha dhaqanka horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla deegaanka Garable, isagoo markii odayaal ka yimid deegaanka Ceel-garas oo Ceelbuur ugu yimidna uu si cad uga diiday inuu soo daayo odayaashaas adeeradiisa ah ee uu ka soo qafaashay deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si cad uga biyo diiday in ay bixiyaan lacagtaas baadda ah ee Khawaarijta Al-shabaab ku soo rogeen odayaasha ugu xiran ceelbuur, waxayna odayaasha ku hanjabeen in ay dili doonaan wiilkooda ka falaagoobay ee horjooge Macallin Salaad Gabeyre.

Tani, waxay sii xoojisay Khilaafka horjoogayaasha Khawaarijta gabalkooda sii dhacaya ee Al-shabaab kala dhaxeeya dadka degan bariga gobolka Galguduud,iyadoo xiisaddanina ay gaartay meel aad u sareysa maaddaama horjoogayaasha ku jira Khawaarijta ee ka soo kala jeeda labada beel ee deegaankaas dega aanay dooneyn in laga hor yimaado amaradooda, taas oo keentay in dhexdooda isgaad-gaad ka bilowdo.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelbuur ayaa ahayn odayaashii ugu horeeyay ee si toos isaga hor yimaadaan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidan oo kale, Al-shabaab uga hor yimid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, iyadoo Khilaafkaas uu soo dedejiyay cimriga joogitaanka Al-shabaab ee gobolkaas.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha…

November 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano…

Maqaallada
October 20, 2025

‘Horjoogoow Soo dir, Ciidankuna waa dilayaan’ (WARBIXN)

Ciidanka Qalabka Sida ayaa jab xooggan khawaarijta ugu geystay jubbada Hoose, waxaase la soo warinayaa In ka badan 80 Khawaarij…

GudahaMaqaallada
July 23, 2024

120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15…

GudahaMaqaallada
October 22, 2023

JIDKAAN MEEL KALE OO LOOGA LEEXDO MA LEH (WARBIXIN)

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee…

GudahaMaqaallada
October 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023