Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
GudahaWararka

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

By SB
Last updated: January 10, 2023
3 Min Read
Share

Hiiraan(SONNA):-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.

Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.

Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.

Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Tobbon ruux.

Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha…

GudahaWararka
October 21, 2025

Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo baaq midnimo u diray Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October…

Wararka
October 13, 2019

Yaa u cadow ah kooxda Khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Yaa u cadow ah kooxda Khawaariijta Kooxda khawaariijta ayaa cadow u aragta cid kasta oo damiir islaamnimo leh sida looga…

GudahaWararka
March 17, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika

Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda…

GudahaWararka
November 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023