Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)
GudahaWararka

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

By SB
Last updated: January 10, 2023
3 Min Read
Share

Hiiraan(SONNA):-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.

Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.

Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.

Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Tobbon ruux.

Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hey’adda MSF oo badbaadisay 440 muhaajiriin oo ay ku jireen Soomaali

Hay'adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa biyaha caalamiga ah ee badda u dhow Malta ku badbaadiyay 440…

Gudaha
April 7, 2023

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hogaaminayo…

GudahaWararka
March 5, 2024

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka…

GudahaWararka
July 10, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay dood-cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka dalka

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas…

Wararka
September 27, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023