Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Howlgallada Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ah kuwo guulaystay, waxaana taa daliil u ah in maalin walba ay isa soo dhiibayaan odayaal ay kooxda khawaariijtu ku qasbi jirtay in ay u hadlaan, kuwaas oo ay u caleema saarteen Nabadoonimo iyo sidoo kale waxa iyaguna dhankooda isa soo dhiibaya dhalinyaradda lagu qalday Fikirka gurracan ee khawaariijta, waxaana muuqata in ay kooxda Khawaarijtu xididdada looga siibay gobolkaasi, waxaana beryihii u dambeeyeyey isa soo dhiibay Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa iyagoo isku soo dhiibeen Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle, macalin Xudayfa ayaa ka mid ahaa horjoogeyaashii horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle, iyadoo maalin ka hor isla aaggaaasi ay Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah, waxaana si wanaagsan u soo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, waxaana ka goโ€™an tahay Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta ku sii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.

Dowladdu waxay Khawaarijta Al-Shabaab kula jirta Dagaal toos ah,mid dhaqaalaha ah iyo mid dhanka Fikirka kaas oo guud ahaan dalka looga saarayo waxaana ka goโ€™an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Gobolada Mudug iyo Galguduud waxaa wali ku sugan tiro yar oo kooxdaasi ah , dadka deegannada goboladaasi ayaa wada abaabul xooggan oo ay rabaan dhowaan in ay guluf xooggan ku qaadaan harraadiga tiradda yar ee kooxaha khawaariijta ee goboladda ku dhuumaalaysanaya.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ay xirtay 600 oo shabakadood, kuwaasi oo ay khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan, iyadoo Baraha la xiray ay isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yada โ€ cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameedโ€ ayuu yiri wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Caddaala, wuxuuna sii raaciyay Meel kasta oo macluumaad Khawaarijtu leedahay lagu faafiyo ciddii doontaa ha lahaatee dowladda Waa u target ama bartilmaameed.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah, waxaa kaloo muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaasi, haddaba waxaan guulahaasi ku tilmaami karnaa:-

Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sida ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo, waxaana goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey.

Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah”, arinkani waxa uu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka dambeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan.

Guusha seddexaad ayaa ah, In markii ugu horreysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dhwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah, kaasi oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayay shacabkooda.

Guulahaasi seddexda ah waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah, waana in la sii wado dadaalada ku aadan ka miro dhalinta hadafka iyo ujeedada fog ee laga leeyahay ka gungaaridada dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dhawaan uga digay Dadka ku dhaqan goobaha ay Kooxda Khawaarijtu joogaan Dowlad Gobolaadka Hirshabeelle inay ka fogaadaan, isagoo caddeeyay inay meelahaasi ay bartilmaameed u yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanada, sidaasi awgeedna ay ka baaqsadaan inta lag xoreynayo.

Kooxdani waxay haatan u muuqataa mid gabalkeedu sii dhacayo dhinac walbana lagala dagaalamayo, marka waxa aan ku sifeyn karnaa Darbi dumay, shacabkuna ay ka fogaanno yuusan daqrine.

SONNA Editorial.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saraakiisha Hoggaaminaysa dhamaystirka Hawlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta oo Awaamiir Cusub faray Shacabka

Muqdisho(SONNA):-Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad waxa ay soo saareen amaro…

GudahaWararka
August 5, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Beledweyne

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne…

GudahaWararka
February 7, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadah aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanka

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u…

GudahaWararka
June 21, 2024

Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka

Muqdisho,( SONNA): Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee…

GudahaWararka
December 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023