Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku
MaqaalladaWararka

Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku

By SB
Last updated: January 3, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Khawaarijta oo dagaalkii ugu weynaa ku qaaday Kuliyaadka 5-ta ah ee diintu ilaalisay mudadadii 15 ka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Marka aad si fiican u dhugato dhaqanada aadka u xun oo maalmahaan laga soo warinaayo goobihii laga xoreeyay khawaarijta waxaa kuu soo baxaaya sida ay u baabi’yeen kuliyaadka shanta ee Shareecada islaamka waajib ka dhigtay in la dhowro.
Waxaa ka mid ah kuliyaadka 5-ta ah.

Tiirka koowaad:

.حفظ الدين ilaalinta diinta.

Waxay ku xad gudbeen laba asaas oo saldhig u ahaa shacabkeena oo diintooda lagu dhowray markii ay soo gaartay illaa iyo hadda,
Waana DUGSIYADA QURAANKA, MACALIMIINTOODA,MASAAJIDDA IYO CULIMADEENA.

waxaa laga soo wariyay deegaanada laga xoreeyay Dugsiyo la xiray iyo masajid bakhaarao laga dhigtay. Waxaa intaas sii dheer culimo la masaafuriyay, kuwa la dilay iyo kuwa lagu qasbay in ay aamusaan.

Tiirka labaad:
وحفظ النفس ilaalinta Nafta

Islaamku wuxuu gaarsiiyay in naf la dilo in ay la mid tahay in dadka oo dhan la dilo, iyaga oo xadkaas Alle jideeyay dhaafaya Waxay dileen boqolaal ama kumanaan Muslim ah oo siyaabo Kala duwan u laayeen, waxaana ugu xanuun badan qaar lagu hor dilay ehelkooda iyo qaraabadooda kadib markii qoorta laga gooyay madaxyadooda la suray geedo si loogu cabsi galiyo dadka kale waana jariimo aad u xun oo khawaarijtu ka galeen shacabkeena.

Tiirka saddexaad:
وحفظ العقل .ilaalinta Caqliga

Ilaalinta Caqliga in laga ilaaliyo mukhaadaraadka waxaan ka waajibnimo yarayn in laga ilaaliyo fikradaha kooxaha dhunsan in lagu abaabiyo ciyaalka iyo dadka aan wax garasho ah lahayn.
Waxaan ognahay in ay caqliga ka dooriyeen boqolaal ilmo ah o ay qaraxyo ku soo xireen ama xataa ku soo qanciyeen in waalidkooda iyo xigtadooda soo laayaan taas oo looga dhigay diin iyo jihaad, sidaas ayayna ugu xadgudbeen caqligii loo ilaaliyay muslimiinta.

Tiirka afraad:

وحفظ العرض

Sharafka iyo cirdiga musliinta in lagu xad gudbaa waa jariimo iyo kabiira aad u weyn oo lagu kasbado ciqaab aad u adag, islaamkuna wuu xarimay, weyna ku xadgudbeen, waxaana jira murugooyin badan oo ay ku reebeen goobihii ay joogeen, waxaana la soo wariyay kufsi, iyo boob ay ku sameeyeen qoysas badan oo qaarkooda dhibkii nafsiga ahaa oo soo gaaray la waashay ama u geeriyooday,
Waxaa jira rag aan la aqoon oo aan soo marin waddo sharci ah oo si qasab ah ku guursaday gabdho, muddo haystay ilmo ka dhalay, magacyadooda aan la qoon, meelo loo raaco aan la aqoon, taas ayaana ku reebtay qoysas badan tiiraanyo iyo ciil aad u weyn.

Tiirka shanaad:

.وحفظ المال ilaalinta maalka

Waa qoddob asaasi ah oo lama taabtaan ah in la ilaaliyana ay waajib tahay xoolaha muslimka la boobo a waa xaaraan,In xoolaha dadka lagu qaato si baadil ah iyo magacyo badan sida Zako, taakulo, iyo wax kale loona muujiyo in diin iyo jihaad loogu adeegayo kadibna lagu laayo Isla dadkii laga qaaday, lagu dumiyo guryahooda, lagu marin habaabiyo caruurtooda masaakiinta ah iyada oo la isticmaalaayo xoolihii laga qaaday dadkeena, qayb kalana loo keydsado in dano gaar ah lagu fushado oo ganacsi iyo guryo lagu dhisto waa dambi aad u weyn, Waana dhaqanka khawaarijtu la timid oo lagu arkay kuna caan baxeen.

Ugu dambayntii waxaan Allaah uga mahad celaynaa kadibna Dowladdeena iyo shacabkeena oo iskaashanaya in deegaanada qaar lagu jabiyay lagana qaaday culayska dhan walbo ah oo ay ku haayeen shacabkeena,
Deegaanada Wali hartay waxaan xasuusinayaa in laga adkaan karo oo laga guulaysan karo lana soo tijaabiyay.

Caruurta,odayaasha iyo cidkasta oo la qalday waxaa u furan Wali in ay ka soo tagaan Kuna soo laabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Shacabka kaashaday dowladdooda ee iska xorreeyay khawaarijta waxaan u sheegayaa Wali aad uma Foga ee taxadar qaba, dhagarta cadawgana iska ilaaliya.

Xuquuqda qormaddan waxay u sugan tahay. Cabdiraxiim Ciise Caddow.
Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada adduunka ee 12-ka Ogoosto

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada…

WararkaWargayska
August 12, 2020

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

𝑴𝒖𝒒𝒊sho(SONNA):-Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa…

GudahaWararka
February 16, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Isbitaal ku booqay Qoyska Shahiid Gacal

Muqdisho, Maarso(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu…

WararkaWargayska
March 12, 2020

Wasiir Goodax oo ka diggay carqaladeynta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dalka

Muqdisho.(SONNA),,,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda…

Wararka
July 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023