Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku
MaqaalladaWararka

Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku

By SB
Last updated: January 3, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Khawaarijta oo dagaalkii ugu weynaa ku qaaday Kuliyaadka 5-ta ah ee diintu ilaalisay mudadadii 15 ka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Marka aad si fiican u dhugato dhaqanada aadka u xun oo maalmahaan laga soo warinaayo goobihii laga xoreeyay khawaarijta waxaa kuu soo baxaaya sida ay u baabi’yeen kuliyaadka shanta ee Shareecada islaamka waajib ka dhigtay in la dhowro.
Waxaa ka mid ah kuliyaadka 5-ta ah.

Tiirka koowaad:

.حفظ الدين ilaalinta diinta.

Waxay ku xad gudbeen laba asaas oo saldhig u ahaa shacabkeena oo diintooda lagu dhowray markii ay soo gaartay illaa iyo hadda,
Waana DUGSIYADA QURAANKA, MACALIMIINTOODA,MASAAJIDDA IYO CULIMADEENA.

waxaa laga soo wariyay deegaanada laga xoreeyay Dugsiyo la xiray iyo masajid bakhaarao laga dhigtay. Waxaa intaas sii dheer culimo la masaafuriyay, kuwa la dilay iyo kuwa lagu qasbay in ay aamusaan.

Tiirka labaad:
وحفظ النفس ilaalinta Nafta

Islaamku wuxuu gaarsiiyay in naf la dilo in ay la mid tahay in dadka oo dhan la dilo, iyaga oo xadkaas Alle jideeyay dhaafaya Waxay dileen boqolaal ama kumanaan Muslim ah oo siyaabo Kala duwan u laayeen, waxaana ugu xanuun badan qaar lagu hor dilay ehelkooda iyo qaraabadooda kadib markii qoorta laga gooyay madaxyadooda la suray geedo si loogu cabsi galiyo dadka kale waana jariimo aad u xun oo khawaarijtu ka galeen shacabkeena.

Tiirka saddexaad:
وحفظ العقل .ilaalinta Caqliga

Ilaalinta Caqliga in laga ilaaliyo mukhaadaraadka waxaan ka waajibnimo yarayn in laga ilaaliyo fikradaha kooxaha dhunsan in lagu abaabiyo ciyaalka iyo dadka aan wax garasho ah lahayn.
Waxaan ognahay in ay caqliga ka dooriyeen boqolaal ilmo ah o ay qaraxyo ku soo xireen ama xataa ku soo qanciyeen in waalidkooda iyo xigtadooda soo laayaan taas oo looga dhigay diin iyo jihaad, sidaas ayayna ugu xadgudbeen caqligii loo ilaaliyay muslimiinta.

Tiirka afraad:

وحفظ العرض

Sharafka iyo cirdiga musliinta in lagu xad gudbaa waa jariimo iyo kabiira aad u weyn oo lagu kasbado ciqaab aad u adag, islaamkuna wuu xarimay, weyna ku xadgudbeen, waxaana jira murugooyin badan oo ay ku reebeen goobihii ay joogeen, waxaana la soo wariyay kufsi, iyo boob ay ku sameeyeen qoysas badan oo qaarkooda dhibkii nafsiga ahaa oo soo gaaray la waashay ama u geeriyooday,
Waxaa jira rag aan la aqoon oo aan soo marin waddo sharci ah oo si qasab ah ku guursaday gabdho, muddo haystay ilmo ka dhalay, magacyadooda aan la qoon, meelo loo raaco aan la aqoon, taas ayaana ku reebtay qoysas badan tiiraanyo iyo ciil aad u weyn.

Tiirka shanaad:

.وحفظ المال ilaalinta maalka

Waa qoddob asaasi ah oo lama taabtaan ah in la ilaaliyana ay waajib tahay xoolaha muslimka la boobo a waa xaaraan,In xoolaha dadka lagu qaato si baadil ah iyo magacyo badan sida Zako, taakulo, iyo wax kale loona muujiyo in diin iyo jihaad loogu adeegayo kadibna lagu laayo Isla dadkii laga qaaday, lagu dumiyo guryahooda, lagu marin habaabiyo caruurtooda masaakiinta ah iyada oo la isticmaalaayo xoolihii laga qaaday dadkeena, qayb kalana loo keydsado in dano gaar ah lagu fushado oo ganacsi iyo guryo lagu dhisto waa dambi aad u weyn, Waana dhaqanka khawaarijtu la timid oo lagu arkay kuna caan baxeen.

Ugu dambayntii waxaan Allaah uga mahad celaynaa kadibna Dowladdeena iyo shacabkeena oo iskaashanaya in deegaanada qaar lagu jabiyay lagana qaaday culayska dhan walbo ah oo ay ku haayeen shacabkeena,
Deegaanada Wali hartay waxaan xasuusinayaa in laga adkaan karo oo laga guulaysan karo lana soo tijaabiyay.

Caruurta,odayaasha iyo cidkasta oo la qalday waxaa u furan Wali in ay ka soo tagaan Kuna soo laabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Shacabka kaashaday dowladdooda ee iska xorreeyay khawaarijta waxaan u sheegayaa Wali aad uma Foga ee taxadar qaba, dhagarta cadawgana iska ilaaliya.

Xuquuqda qormaddan waxay u sugan tahay. Cabdiraxiim Ciise Caddow.
Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada

Muqdisho (SONNA)-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Buux ayaa beeniyay warar been abuur ah oo…

GudahaWararka
April 28, 2021

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Suudaan uga qeyb galaya Shirka Urur Goboleedka IGAD

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islaw oo ka qeyb galaya shirka urur goboleedka IGAD uga…

Wararka
February 26, 2020

Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku  geeriyooday Alle ha u naxariistee rug-caddaagii Dublamaasiyadda, Ra'iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
May 7, 2021

Soomaaliya iyo Maraykanka oo qorshaynaya in ay yeeshaan xiriir xagga duullimaadyada tooska ah

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka socota hay'adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan Amniga Garoomada.…

GudahaWararka
July 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023