Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta
MaqaalladaWararka

Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta

By SB
Last updated: February 20, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ah Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, waxaana lagu tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Iridood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayay waxay u soo huwadeen Buste ay ku sheegeen in ay wadaan Diin, Ilaah fadligiis maanta waxay wada garteen Ummaddeena Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, waxaana dhab ah in lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Waxaa jirta in dagaal-siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda khawaariijta 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qoddob, kuwaasi oo kala ah Midka 1-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qoddobka 2-aad ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan, labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan,balse doodo iyo falanqey Dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu kala qabtay kadib, waxaan isla gartay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha,qorshahan ayaa waxa ku dhawaaqay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya mudane xasan sheekh maxamuud.

Dhinacyada Militariga fikirka, iyo kan Dhaaalaha waa uu shaqeeyay, waxaa tusaale cad u ah sida Kooxda looga xorreeyay Gobollo, degmooyin iyo Deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe,Mudug iyo Galgudud.

Haddaba Guulahaasi waxaa barbar socday Dagaalka Dhinaca Fikirka ah ama Wacyigalinta, taasi oo ay Culumada Soomaaliyeed ku kala qabteen Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba, waxaana kii ugu horreeyay lagu qabtay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober sanadkii tegay, waxaana laga soo saaray bayaan uu ka mid ahaa qodob magac loogu bixinaayay Kooxda iyo qodobo kale , wuxuuna u qornaa sidan:-

Bayaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay ka soo saartay Shirkii ay u qabatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed 24-kii ilaa 29-kii bishii Okoober ee sanadkii tegay, marka iyadoo ka fulineysa awaamirta Madaxa Qaranka oo ku aadan la dagaalanka Kooxda isku magacawday Al-shabaab ee Maataleyska ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, tixgalineysana Bayaankii ka soo baxay shirkii Culimada Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamul-goboleedyada Dalka ee socday muddadii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober ee sanadkii tegay ee ay soo agaasintay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS, waxay ka soo saartay Qodobo ka kooban 5 qodob, waxayna kala yihiin:-

Wasaaradda iyadoo adkeyneysa Bayaankii Shirkii 24-29 bishii Oktoober ee sanadkii 2022-kii, waxay reebtay in kooxda Khawaarijta ee ka dagaalanta Soomaaliya loogu yeero magaca ah Khawaarij.

Wasaaraddu waxay reebtay Faafinta afkaarta Khawaarijta ee ku salysan kaligii Muslinnimada, dilka, is dilka iyo naftii halignimada salnna aan ku laheyn Diinteenna Islaamka ee Xaniifka ah.

Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimada Soomaaliyeed la macaamilka iyo aadista Kooxdaasi Khawaarijta ah, maadaama la macaamilkoodu yahay fal dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helana lala tiigsan doono Sharciga.

Wasaaraddu waxay bogaadineysaa dadaalada ay Culumada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinta Xaniifka ah inoo jideysay.

Wasaaradda waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay isku kaalmeystaan wanaagga, qaataanna waajibaadkooda ku aadan taageeridda gulufka Dowladda ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacbka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo jira Shir ay Culimada Soomaaliyeed ku qabteen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaasi oo ah mid lagu sii kabayay ama lagu sii ayidayay Shirkaasi hore ee lagu qabtay Muqdisho, Waajibnimada Jihaadka lagula jiro Khawaarijta, waaana ka soo muuqday Culumadaan Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Mashaaikhda halkaan ay ka mid yihiin1- Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun.2- sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi 3- Sh Bashiir Axmed Salaad 4- Sh Maxed Idiris.5- Sh Maxed Dirir 6- Sh Abuu Shaybah iyo Culumo kale oo aad u waawayn ahna kuwa ugu Xeesha dheer aqoonta Diinta Islaamka gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ay cadeeyeen waajibnimada Jihaadka lagula Jiro Khawaarijta, waxayna culumadaasi ay aad uaga hadleen hab dhaqameedka Kooxda oo ay ku sheegeen mid aan waafaqsaneyn Diinta Islaamka, iyagoo caddeeyay in ay mudan yihiin la iska dhiciyo.

Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxda waxa uu ugu baxay Magaca Khawaarijta ayaa ah inay Diinta bannaanka ka yihiin, taasoo lagu sifeeyay sida ay kaligood Diinta isugu koobeen, inta kalena ay ka saaraan, sidaasi awgeed ayaa ah sababta Culimada Soomaaliyeed ay ugu bixiyeen Magaca KHAWAARRIJTA.

SONNA Editorial.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saraakiisha qeybta 21aad oo ka qeybgalay kulan lagu dhameystirayo heshiisiinta 2-beel

Taliyaha Qeybta 21aad ee Xogga Dalka Somaliya Generaal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu…

Wararka
December 24, 2019

Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlgalka ATMIS oo ka wada hadlay ammaanka Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay…

GudahaWararka
March 28, 2023

Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa

Doolow-(SONNA)-Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qaraxa oo ay maleeshiyaadka khawaarijta ay…

GudahaWararka
October 1, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka…

GudahaWararka
April 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023