Nairobi((SONNA):-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, oo labadii toddobaad ee la soo dhafay ka socday magaaladaas.
Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha Deyn Cafinta, oo arrimaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dib-u-habeynta iyo sare u qaadda dakhliga Dowladda iyo hufnaanta maamulka maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shirkaan soo xiray, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay barnaamijka ECF wajigiisii 6-aad oo ah heerkii ugu dambeeyay, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay in horumar muuqda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda,ayna sii wadi doonaan dadaaladaasi si Deyn Cafinta dhammaystir loo gaaro dhammaadka sanadkaan 2023.
Shirkaan maanta la soo gabagabeeyay intii uu socday waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Hayโadaha Dowladda, sida Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raโiisul Wasaaraha iyo Hayโadda Warbixinada Maaliyadda.