Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kalsooni intee la’eg ayay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan Hay’adaha Amniga? (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Kalsooni intee la’eg ayay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan Hay’adaha Amniga? (Warbixin).
Maqaallada

Kalsooni intee la’eg ayay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan Hay’adaha Amniga? (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 17, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Wada shaqeynta hay’adaha amniga Dowladda federaalka iyo shacabka ayaa suurta geliyay in la wiiqo awoodii Alshabaab iyo hoos u dhac ku yimid weeraradii wuxuushnimada ahaa ee ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Dalka.

Hay’adaha amniga ayaa xoojiyay is dhexgalka iyo in si dhiiranaan leh shacabka xogta Khawaarijta ula wadaagaan laamaha amniga si looga hortago dhagarta Khawaarijta ay shacabka u soo maleegaan.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi-Kaamil Shukri Macallim, ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inuu meel wanaagsan marayo xiriirka wada shaqeyneyd ee shacabka iyo laamaha amniga,islamarkaana u soo dusiyaan xogaha amni ee ay helaan.

” Sida aad ogsoon tahay, waxa ugu weyn ee naga maqan waa amni, dadkuna wey jecel yihiin in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, waqtigii aadkaa ee la soo maray ayaa wuxuu keennay in ay dadka u nuglanaadaan cadow ka awood batay, waxa uu garanaayo ay tahay dil, taasaa marka hore waxay keentay in ay dadka cabsadaan, laakiin muwaadiniinka Soomaaliyeed markii ay arkeen sida ciidanada Soomaaliyeed u shaqeynayaan si hufan ayay u soo gudbiyaan una soo gudbin jireen,” ayuu yiri afhayeenka.

Wuxuu intaas ku daray in howlgallada ay waddo Dowladda iyo xakameynta hubka ay sababtay amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhawaan guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxaha Khawaarijta ah doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo ay kula dagaallameyso ilaha dhaqaalaha ee Khawaarijta, xilli deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobollada dalka laga saaray argagixisada oo shacabka hadda mabad ay ku nool yihiin.

Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka ayaa ugu dambeyn keentay in laga adkaado Khawaarijta dhagartooda, waxayna madaxda qaranku ku dadaalayaan sidii loo dhiiragelin lahaa muwaadinkii ku dhiirada inuu soo sheego xogta amni ee argagixisada, iyadoo la qarinayo xogta muwaadinka haddii uu u baahdo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):-Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)

Muqdisho (SONNA) Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada…

Maqaallada
January 16, 2023

Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka

Kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeybgalay madashii furneyd ee su’aalo Dadweyne lagu weydiinayay,…

Maqaallada
May 10, 2023

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa…

GudahaMaqaallada
March 28, 2021

Khawaariijta iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan deegaanka

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran keliya dhibaato kuma hayaan shacabka Soomaaliyeed ,sidoo kale ficiladooda gurracan kuma eka dil,dhac,qarxin iyo barakicin ee…

MaqaalladaWararka
January 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023