Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kala shaki weyn oo ka dhex qarxay horjoogayaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadka ay qaldeen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Kala shaki weyn oo ka dhex qarxay horjoogayaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadka ay qaldeen
MaqaalladaWararka

Kala shaki weyn oo ka dhex qarxay horjoogayaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadka ay qaldeen

By SB
Last updated: February 11, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa waxa gaaray Khasaarihii ugu badnaa ee lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Hadda ba khawaariijta oo xamili waayay culaysak gulufka dagaal ee lagu ekeeyey ayaa dhexdooda waxa ka dhashay kala shaki iyo In ay si toos ah isu beegsadaan,10-kii bisha January kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan, sidoo kale waxa dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey dhinaca kale iyagana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijtu iskaga dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan,isla bilowgii bisha janaury dagaal dhex maray kooxda Khawaarijta dhexdooda ayaa lagu khaawarajiyey horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda ka dib markii ay ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen 10 khawaariijta ka tirsanaa.

Waxa sidoo kale Deegaano ka tirsan gobalka Mudug oo si weyn uu uga soo ifbaxay khilaafka Khawaarijta oo markii dambe gaaray inay dhexdooda dagaalamaan ayaa horjoogayaasha ku xayiran oo aan ogaanay waxaa ka mid ah: Horjooge Xuseen Cali Fiidow, Horjooge Cali Ibraahim Geesay “Cali Rooti” horjooge C/laahi Jeeri iyo kuwa kale.

Xogo ay heshay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in horjoogayaasha Khawaarijta ay amaro ku soo rogeen meelaha ay wali haraadiga ku yihiin, waxaana ammaradaasi ka mid ah.

• In la joojiyay isku socodka Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee deegaanada ay markii hore isaga gudbi jireen. Amarkaan ayaa ka dhaqan galay, magaalooyinka Saakow, Kuunyo Baraow, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Horjooge lagu magacaabo Buqaari oo kooxda u qaabilsan Maleeshiyaadka dabagalka oo ay ugu yeeraan Kooxda Mutaabacada, toosna uga amar qaata Horjooge Axmed Diiriye ayaa la sheegay in dhammaan horjoogayaashii kale iyo maleeshiyaadka uu amar ku siiyay qof kasta oo ka baxaysa Magaalooyinka Saakow iyo Jilib inuu haysto warqad ogolaansho ah oo ay magaalada uga bixi karaan, sidoo kale wuxuu amray in labadaan magaalo aysan qofna soo gali Karin, taas oo muujinaysa inta ay la egtahay cabsida soo wajahday Khawaarijta.

Dhinaca kale Dad goob joogayaal aha ayaa inoo sheegay in dhaawacyo badan ay dhammaystireen kooxda khawariijtu tan oo sii hurisay khilaafaadka dhexdooda oo noqday mid gaaraya heerkii ugu sareeyey,
Geesta kalena Khilaafkan ayaa sababay in ay hakad gasho wada shaqayntii qaar ka tirsan horjoogayaasha sar sare ee kooxda tan oo qaarkood ku khasabtay in ay isu so dhiibaan ciidamada dowladda iyo laammaha Amniga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka golaha shacabka oo looga dooday Hindise sharciyeedka xeerka shaqada

Muqdisho-(SONNA)-Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka…

GudahaWararka
July 20, 2024

Soomaaliya iyo Indonesiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka  Jamhuuriyadda Indonesia…

GudahaWararka
May 9, 2023

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo Galmudug ugu baaqay inay dhameystiraan xubnaha ka harsan Aqalka Sare

Muqdisho (SONNA)- Xubnihii Aqalka Sare ee ku harsanaa maamul goboleedka Jubbaland ayaa shalay lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.…

GudahaWararka
October 22, 2021

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka  ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone…

GudahaWararka
January 13, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023