Muqdisho.SONNA…Degmada Kaaraan ayaa xalay tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ka reebtay degmada Dharkeynleey,halka Degmada Daayniile ay iyaduna ka adkaatay dhigeeda Daarusalaam.
Degmooyinka Kaaraan iyo Daayniile ayaa kala helay 10 dhibcood iyo 16 dhibcood,halka Dharkeynleey iyo Daarusalaam oo laga badiyay ay keensadeen 6 dhibcood iyo 14 dhibcood.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.
Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.