Muqdisho(SONNA):-Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye oo gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kormeer guud ugu kuur-galay Xaaladda degmadaas iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Shacabka deegaanka iyo Ciidanka Xoogga.
Kormeerka G/ dhexe Munye waxaa qeyb ka ahaa booqasho iyo dhiirra-gelin uu ugu tagay Ardeyda wax ka barata Iskuulada Awdheegle oo tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga degmadaas ka saareen Khawaarijta sameyneysa horumaro dhinacyada Arimaha bulshada ah oo waxbarashada ugu horreyso, Taliyaha ayaa Ardeydii uu la kulmay kula dardaarmay inay muhiimad siiyaan, kuna dedaalaan waxbarashada.
Booqashadan waxaa Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Munye ku wehliyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku kala sugan deegaanka Bariirre iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.