Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin) 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin) 
MaqaalladaWararka

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin) 

By Kulane
Last updated: December 5, 2019
4 Min Read
Share

Dal dhisan iyo dad isjecel waxaa la helaa marka  qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo caqabad ku ah habsami u socodka horumarka dalka,gaar ahaan goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafadu waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan tahay in lagu baraarugo in Ka hortaggu uu ka haboon yahay daaweynta dhibaatooyinka.

Waxaa xaqiiqo ah in muddooyinkaan magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaallo lagu bixinaayo barnamijka isxilqaan ee dhiso dalkaada iyo olole nadaafadeed,oo lagu qaadayo haraaga qashinka ay ka tageen biyaha robabka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Qeybaha bulshada oo gacan ka helaya maamulka dowladda hoose ee Xamar,ayaa ku howlan ololahaasi nadaafadeed oo si habsami leh uga socda degmooyinka gobolka,kaas oo lagu soo celiyay inta badan bilicda magaalada Muqdisho,ka dib markii si iskaa wax u qabso ah loogu howlgalay nadiifinta waddooyinka Muqdisho.

Dhinaca kale shaqaalaha dowladda ayaa ku guuleystay in ay qeyb ka noqdaan ololahaasi nadaafadeed,gaar ahaan barnaamij la magac baxay isxilqaaan oo soo abaabuleen madaxda dowladda Federaalka ah,isla markaana lagu nadiifinaayo ama lagu dhisaayo xarumaha dowladda.

Iyadoo ay socdaan olole nadaafaded ayaa haddana waxaa jira dad badan oo caadeystay in waddooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ay ku daadiyaan qashin aad u farabadan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo guryaha sida raashinka,welina waxaxaa muuqda wadooyin dhowr ah iyo degmooyin  ay buuxaan biyo wasaqeysan iyo qashin aad u badan.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay xil iska saarto wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in la kordhiyo goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo gaadiidka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka,waxaa waajib ku ah in ololaha nadaafadeed oo loo arkay mid wax tar leh lagu baahiyo goobaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegyada umadda,sida suuqyada.

Maaamulka wanaagsan waa in uu xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka iyo dadka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo in loo diyaargaroobo xilliyada suurtagalka ah ee la helo roobabka

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo qarashka faraha badan ee ku baxa dayactirka ama sameynta wadooyinka ay burburiyeen biyaha wasaqda ah iyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada,iyadoo dhanka kale ganaax la saarayo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku dadiso waddooyinka laamiga ah.

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada,sidaa aawadeed maamulka dowladda Federaalka iyo kan gobolka Banaadir ,waxaa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha ku talaal ee horyaalla,gaar ahaan ka hortagga nadafad xumida ay sababaan cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo wadada iyo burburka ku soo noq-noqda jidadka laamiga ah ee illa hadda la dayactiray.

W/diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shiqsiyaad Soomali ah iyo Shirkado

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Mareykanka u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye  ee Waaxda lacagta ayaa xayiraad ku soo rogay  26 qof oo lagu eedeeyay…

Gudaha
May 25, 2023

Agaasimaha NISA oo kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha

Muqdisho (SONNA):- Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Mahad Maxamed Salad ayaa maanta kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu…

GudahaWararka
November 30, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha…

GudahaWararka
March 1, 2025

Guddoomiyaha Hey’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la yeeshay wefdi ka socday hey’adda WFP

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Mudane  Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta Hay’adda ku soo dhaweeyay wafdi ka socdo…

GudahaWararka
May 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023