Dowladda Jordan ayaa lagu wadaa in ay martigeliso kulan u dhaxeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, si loo hakiyo rabshadaha dhimashada badan ee ka socda Daanta Galbeed ee la heysto.
Kulanka maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo dekedda Caqaba ee badda cas, waxaana ka qeyb galaya wakiilo ka socda Mareykanka iyo Masar.
Wadahadalladan la qorsheeyay ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, halkaasoo ay ku dileen 11 falastiiniyiin ah.
Sarkaal ka tirsan dawladda Urdun, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in kulanka la xiriira amniga iyo siyaasadeed ee maanta uu qayb ka yahay dadaallada kor-u-qaadka ah ee ay wadaan Urdun oo kaashanaya maamulka Falastiiniyiinta iyo dhinacyada kale, si loo soo afjaro dhibaatooyinka ka yimaada dhanka Israel.
Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in lagu heshiisiiyo dhinacyadaasi,isla markaana lagu yareeyo dhibaatooyinka soo gaara dadka reer Falastiin,” ayuu yiri sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.