Raโiisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu Mozambique ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa booqanaya Mozambique, taasoo qayb ka ah socdaalkiisa lix maalmood qaatay oo uu ku tagay saddex waddan oo Afrikaan ah – Ghana, Kenya iyo Masar.
Waxa uu sheegay in Japan ay xiisaynayso in ay maalgeliso la dagaallanka argagixisada ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado, taas oo u oggolaanaysa shirkadaha Japan ee qaybta ka ah isbahaysiga ka faa’iidaysanaya gaaska dabiiciga ah ee dooxada Rovuma.
Dooxada Rovuma oo dhacda waqooyiga Mozambique waxaa goโdoomiyay sanado badan kacdoono islaamiyiin ah.
Mr Kishida iyo Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ka hadlay baahida loo qabo maalgashiga gaarka ah ee Japan, iyada oo la eegayo natiijooyin la taaban karo oo laga gaaro iskaashiga laba geesoodka ah.
Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ku booriyay Japan inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee gaadiidka, beeraha, warshadaha iyo dalxiiska.