Qaahiro (SONNA):- Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: โJamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliyaโ, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faaโiidaystaan kheyraadkooda.
Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika.
Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.