Qeynaha bulshada ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa Magaalada Nirobi ku qabtay xaflad lagu taageeraayey howlgalada ciidamada ee Khawaarijta looga xoreynaayo gudaha dalka Soomaaliya.
Xafladdaan waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ee jaaliyadda Soomaalida,gaar ahaan kuwa Galmidug ,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay warbixinno la xiriiray guulaha ay ku tallaabsadeen ciidanka ku sugan deegaanada Galmudug.
Xafladdaan oo lagu taageeray halganka ay wadaan ciidamada qaranka ,gaar ahaan kuwa ku sugan Galmudug,waxaa dhinaca kale lagu soo dhoweeyay xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ay ka goโan tahay in ay la dagaalamaan kooxaha khawaarijta.
Xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo ka hadashay xafladdaasi ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo wajaho cadowga khawaarijta oo diidan nabad iyo horumar ay ku tallaabsadaan shacasbka Soomaaliyeed.