Ilaha caafimaadka ee Gaza ayaa soo sheegaya in ugu yaraan 42 qof lagu dilay weerarrada Israaโiil ee ka dhacay marinka Qaza iyadoo duqeymaha ay sii kordhayaan oo taangiyada ay ku sii socdaan aagagga waqooyiga iyo koonfurta.
Qaramada Midoobay ayaa mar kale ka sheegay in macluul ay ku soo wajahan tahay Gaza, halkaas oo in ka badan laba milyan oo qof ay ku xayiran yihiin,kuwaas oo aan heysan cunto iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.
Dhanka kale, milateriga Lubnaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Israaโiil inay jebiyeen heshiiska xabbad-joojinta oo galay maalintii sadexaad,
Tirada dhimashada Gaza ayaa mareysa 44,330 iyo dhaawaca 104,933,halka gdaha Lubnaan, lagu dilay 3,961 qof ,islamarkaana lagu dhaawacay 16,520 .