Falastiin (SONNA)- Hay’adda gargaarka iyo shaqada ee Qaramada Midoobe u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Israa’iil diiday in gargaar bina’aadanimo la geeyo magaalada Gaza.
Guddoomiyaha hay’adda Philip Lazarini,ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay is-hor itsaag ku sameysay gargaar la doonayay in loo geeyo dadka ku wax yeeloobay dagaalka ka socda marinka Gaza.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay tahay wax laga xumaado inaan loo gurman karin kumanaan qof oo u baahan gargaar deg deg ah.
In ka badan 50 kun oo qof ayaa ku barakacay duulaanka Israa’iil ku qaaday Gaza oo galay maalintii tobonaad.
Dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ayaa gaaray 219 qof oo ay ku jiraan 63 carruur iyo 36 haween ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.