MUQDISHU-(SONNA)-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , madaxda xiriirka kubadda cagta , xubno ka socday maamul goboleedyada ,gobolka Banaadir iyo bahda sportiga ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Isku aadka tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo mudooyinkaan aad loo wada sugayay.
Tartankaan oo sanadle ah ayaa waxaa 6da kooxood ee ka qayb galaya loo kala saray ย 2group oo kala ah: qaybta A: waxaa ku wada jira ย Banaadir, Galmudug iyo Hirshabelle, halka qaybta B: waxaa ka wada tirsan Putland, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, taas oo ka dhigan in tartanku yahay mid culus.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa xustay in ka maamul ahaan farxad u tahay In sanadkii sadaxaad ay marti galiyaan tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir,Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab Ayaa sheegay inay u taganyiniin horumarinta iyo dhiirigalinta dhalinyrada Soomaaliyeed ee jecel Sportiga.
Wasiiro dowlaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xaaji Ibraahim Cali Ayaa sheegay In ka wasaarad ahaan ay gacan ka gaysan doonaan dhiirigalinta iyo horumarinta ciyaaraha qaybahooda kala duwan.
Tartanka sanadkaan la filayo inuu ka dhaco seddax garoon ee kala ah, Injineer Yariisow Stadium , Stadio Muqdisho iyo garoonka Jaamacadaha ayaa loo qorsheeyay inuu furmo bartamaha bisha December ee soo socota.