Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga Alireza Akbari , kadib markii lagu eedeeyay inuu u basaasay Boqortooyada Ingiriiska.
Warbaahinta rasmiga ah ayaa xaqiijisay subaxnimadii maanta in Alireza Akbari, oo hysta labada dhalasho ee British iyo Iran, la daldalay ka dib markii lagu helay musuqmaasuq iyo ficil ka dhan ah amniga qaranka .
Akbari ayaa lagu eedeeyay inuu gudbiyay macluumaad badan oo ay ku jireen arrimaha Mohsen Fakhrizadeh, oo ahaa saynisyahankii ugu sareeyay nukliyeerka ee lagu dilay magaalo u dhow Tehran 2020.
Raiisel wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ku tilmaamay “fal fool xun iyo fal fulaynimo ah, iyadoo ย Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska James Cleverly iyo Mareykanka ay horay ugu baaqeen in la joojiyo dilka Akbari,
Akbari,sida la tilmaamay ย 2004-tii,waxa uu la shaqeyn la bilaabay sirdoonka Ingiriiska,isagoo sidoo kale kulamo sirdoon ah la yeeshay wadamo kala duwan oo ay ku jiraan Austria iyo UAE, iyo in uu abbaalmarin u helay dhalashada Ingiriiska.