Hogaamiyayaasha caalamka iyo kuwa gobolka ayaa tacsi u diraya madaxda Dalka Iran,kadib markii uu shil diyaaradeed ku dhintay madaxweyne Ebrahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian.
Wadarta dadka ku dhintay diyaaraddaasi oo Herokobtar aheyd ayaa gaaraya sagaal qof, oo uu ku jiro guddoomiye gobol, waxaana diyaaraddu ku dhacday waqooyiga Iiraan ee Bariga Asarbayjan.
Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeenkii koowaad Mohammad Mokhber inuu noqdo kusimaha madaxweynaha dalka,waxaana dalkaasi laga qorsheeyay ย shan maalmood oo baroor diiq qaran ah.
Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa sheegay in la qaban doono doorashooyin cusub 50-ka ย maalmood ee soo socda.