R/wasaaraha Dalka Ingiriiska Sunak ayaa sheegay in eysan jirin duulimaadyo lagu masaafurinayo muhaajiriinta ee la geynayo ย Ruwaanda ka hor doorashada dalkaasi oo la tilmaamayo in ay haatan bilowdeen ololahooda.
Sunak ayaa warkaan ku dhawaaqay maalinimadii shalay oo la gudagalay bilowga ololaha doorashooyinka oo si rasmi ah loo qorsheeyay in ay dhacaan 4-ta bisha luulyo ee soo socota.
Xisbiga shaqaalaha ayaa hadda heysta hoggaanka 20 dhibcood ee ra’yi ururinta la sameeyay, wuxuuna ballan qaaday inuu meesha ka saari doono qorshaha masaafurinta haddii uu ku guuleysto talada.
Qorshaha masaafurinta ayaa ahaa siyaasadda calanka Sunak tan iyo markii uu xafiiska qabtay Oktoobar 2022,hasa yeeshee Maxkamadda Sare ee UK ayaa bishii November go’aamisay in qorshahan uu yahay mid sharci-darro ah sababo la xiriira in Rwanda aan loo tixgelin karin waddan saddexaad oo ammaan ah.
R/wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa weli ku adkeysanaya in haddii la doorto mar kale uu sii wadi doono dadaalka lagu masaafurinayo dadka muhaajiriinta ah.
Si kastaba ha ahaatee, caqabado badan oo dhanka sharciga ah ayaa weli suurtagal ah,iyadoo xisbiyada qaar ay diidan yihiin qorshaha masaafurinta dadka.