Muqdisho.(SONNA)…Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lleย Jaabiri ayaa manta soo gabagabeeyay imtixaankii shahaadiga dugsiyada sare oo muddo todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.
Wasiruu Dowlaha oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay qabsoomidda imtixaankaan dugsiyada sare iyo natiijada wanaagsan ee ka soo baxday meel marinta hadafka xukuumadda ee ku aadan horumarinta dhinaca waxbarashada dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada,waxa uu u ย mahadceliyay,Wasaaradda Maaliyadda, heyโadaha amniga iyo cid kasta oo ka qeybgashay suurtagalnimada in si haboon uu ku dhamaado imtixaankii dugsiyada sare.
Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lleย Jaabiri,waxa uu carabka ku adkeeyay in faahfaahin ku saabsan imtixaankaasi shahaadiga ah ee loo qabtay dugsiyada sare wixii khuseeya dib laga soo sheegi doono.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf,ayaa sidoo kale ka hadlay gabagabadii imtixaanka oo sanadkaan ay u fariisteen in ka badan 34600 arday