Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab oo garab ka helaya ciidammada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhaqaaqay howgal lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo maalinimadii shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo qaatay saacado badan, isla markaana u dhacay si qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa nabad-diidka.
Degaanka xeebeedka Kudhaa ayaa haatan si buuxda gacanta ugu jirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo ciidamada Jubbaland.
Sidoo kale, ciidamadu waxay weli sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, iyagoo sii wada howlgallo amni sugid iyo sifeyn ah, si looga hortago khatar kasta oo kusoo laaban karta deegaanka.