Muqdisho.(SONNA):- Khasaaro xoog leh ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo gaaray howlgallo gaar ah oo ciidanka qaranku ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalkii ugu horeeyay oo ah mid gaar ah ayaa ka dhacay deegaanka Jaamacadaha oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday gaari weyn oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab.
Dhinaca kale, howlgal kale, oo isagana qorsheynaa ayay ciidanka qaranku waxay ka sameeyeen tuullada cambaareey oo u dhaxeeyso Buula-mareer iyo Maryan Gubaa,bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa afar gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari weyn oo hub saarnaa, halka saddexda kalena ay saarnaayeen maleeshiyaad, waxaana halkaas lagu khaarijiyay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa, waxaana sidoo kale, la gubay gaarigii hubka waday.
Marka la isku daray, labadan howlgal ee ciidanku qaranka ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose waxaa lagu dilay maleeshiyaad kor u dhaafaya 60,waxaa kale oo howlgalka lagu gubay shan gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen noocyada waa weyn.
Maleeshiyaadka lagu bartilmaameedsaday howlgalladan ayaa loo diyaarinayay in ay qaadaan weeraro ay ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.
Muddooyinkan, waxaa sii kordhayay khasaaraha khawaarijta ka soo gaarayay howlgallada gaarka ah ee ciidanka qaranku ku bartilmaameed-sanayaan xarumaha iyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha sar sarre ee Khawaarijta Al-shabaab iyo maleeshiyaadka loogu talagalay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.