Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)
Ciyaaraha

Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Barcelona(SONNA) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxa ay caawa ku soo dhoweynaysaa naadiga Granada garoonkeeda Camp Nou.

Macallinka cusub ee Barca, Quique Setien ayaa indhuhu hayaan caawa kaasoo kulankiisii ugu horreeyey hoggamin doonta Blaugrana.

61-sano jirkaan ayaa la xaqiijiyey inuu dhawaan shaqada ka badelay Tababare Ernesto Valverde, waxaana uu doonayaa inuu ku bilowdo guul uu ka gaaro kooxda fadhisa kaalinta 10-aad ee horyaalka La Liga kaddib 19 kulan oo xilli ciyaareedkan la ciyaaray.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad, 19 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Valentin Pizarro Gomez (Spain)

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha:-

Frenkie de Jong ayaa ka ganaaxan kooxda martida loo yahay ee Barcelona, kaddib markii uu kaarka cas qaatay, sidaasi darteed Sergi Roberto ayaa laga yaabaa inuu ka soo muuqdo khadka dhexe.

Luis Suarez ayaa garoomada ka maqan kaddib markii dhawaan qalliin lagu sameeyey, waxaana la filayaa inuu sii maqnaan doono illaa bisha May.

Ansu Fati ayaa ku soo bilaaban kara safka hore ee Barca, halka sidoo kale uu weerarka kooxda ku ciyaarta Camp Nou uu hoggaamin doono Griezmann.

Dhinaca kale Kooxda Granada ciyaaryahankeeda Maxime Gonalons ayaa diyaar ah kaddib markii uu ganaax ka soo laabtay, waxaana uu ka qoo muuqan karaa khadka dhexe.

Granada ayaa ku soo gali karta midkood shan difaac ama  4-4-2, iyadoo Jose Martinez uu imaan doono daafaca dhexe haddii loo baahdo.

Yangel Herrera ayaa dhaawacan oo shaki uu ku jiraa kulankan, laakiin haddiiba uu diyaar noqdo waa inuu ku bilowdaa safka hore maadaama aan la heli karin Angel Montoro kaasoo kaarka cas ku maqan.

Yan Brice Eteki oo isaguna ka tirsan Granada ayaa ka cabanaya dhibaato dhanka muruqa ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guul gaartay 15 ka mid ah 16-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleystay lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula dheeshay Granada tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashaday shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabishay Granada tartammada oo dhan.

>- Granada ayaa guuldarro la kulantay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Granada ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga oo ay ku soo ciyaartay bannaanka.

>- Kooxda Granada ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cristiano Ronaldo oo Xalay barbareeyey Rikoodh uu horay u haystay halyeyga reer France ee Michel Platini.

Turin(SONNA)- Cristiano Ronaldo ayaa u sii wada bandhigiisa cajiibka ah uu ka sameynayo kooxda Juventus, isla markaana waxa soo xalay barbareeyey…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Xulka Qaranka Argentine oo ku guulleystay Koobka Adduunka 2022

Muqdisho (SONNA) Xulka Qaranka Argentine ayaa ku guulleystay Koobka Adduunka sannadka 2022 ee ka qabsoomay dalka Qadar, ka dib markii…

CiyaarahaGudahaWararka
December 18, 2022

Muqdisho City Club oo guul ay ka gaartay Kooxda Dekedda ku daah furatay tartanka General Daa’uud

Muqdisho(SONNA)-Kooxaha murqo weynta dalka ee Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa galabta kulan xiiso badan ku wada ciyaaray garoonka Eng…

Ciyaaraha
October 26, 2019

Kooxda Mogadishu City Club oo weyn doonta xiddig muhiim ah kulanka berri ee Elman

Muqdisho(SONNA)-Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulanka bari ay la ballansan yihiin Naadiga Elman waxa ay weyn doonaan xiddigooda khadka dhexe…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023