Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
CiyaarahaGudaha

Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.

Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay ka aarsato wiilasha Muqdisho City Club oo sanadkii hore ka qaaday koobkan, halka Muqdisho City Club ay u dagaalami doonto inay difaacato koobkan, si sanadkii labaad oo xiriir ah  ay qaado.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-

Kooxda kubadda cagta Horseed kulankii ugu dambeyay ee wareegga afar dhammaadka waxay ka soo adkaatay naadiga Gaadiidka ciyaar ku soo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday wiilasha Horseed.

Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay rigoorayaal 4-1 ugu soo tallaabtay kooxda Geeska Afrika.

Labadan kooxood ee Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay  isku arkan kama dambeysta dheesha koobka General Daa’uud xilli markaas loo awood sheegtay wiilasha Macallin Cabdi Joon ee Horseed kaddib markii lagu lagday rigooreyaal 4-3, ciyaarta waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhammaatay 1-1.

Ciyaaryahan Farxaan Duqow ayaa wali xusuusan kaarkii casaanka uu qaatay sanadkii la soo dhaafay final-ka koobka General Daa’uud, isagoo iminka diyaar u ah inuu si awood leh u wajaho kooxda Muqdisho City Club.

Horseed iyo Muqdisho City Club sanadkan waxay kuwada jireen Guruup-ka B, iyaagoo isku soo arkay marxaladda Guruup-yada, waxayna kulankooda ku kala baxeen barbaro goolal la’aan 0-0.

Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan ciyaareedkan waxay weyn doontaa xiddigeeda weerarka ugu ciyaaro ee Bernado, kaasoo ku seegaya dheeshan kaararka digniinta (Jaalleyaal).

Tababare Cabdi Joon ayaa markii saddexaad oo xiriir ah gaaray finaal-ka koobka xiisaha badan ee General Daa’uud isagoo mar kula guuleystay Kooxda Elman, halka marna isagoo hoggaaminya Naadiga Horseed laga qaaday, galabtana waxaa markale uu diyaar u yahay inuu dheelo final-ka General Daa’uud isagoo hoggaaminaya Horseed.

Macallin hoggaamiya kooxda Muqdisho City Club Mahamed Masteri ayaa galabta dheeli doona final-kiisii ugu horreyay tan iyo markii uu badalay macalinkii hore kooxda M.C.C ee Hussein Mblango, isagoo raba inuu koobkan General Daa’uud la qaado kooxdan.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Final-ka Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC vs Muqdisho City Club

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 galabnimo

Maalinta: Khamiis

Taariikhda: 21-11-19

Qiimaha Kulanka: Lacag la’aan

Jawiga Garoonka: 30°c

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir ku xigeenka Caddaaladda dalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa maanta Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda…

GudahaWararka
May 1, 2024

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Muqdisho (SONNA):- Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose…

GudahaWararka
January 22, 2024

Taliyaha ciidanka Booliska oo kormeeray iskuulka agoonta Booliska

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaan maanta kormeer ku tegay dugsiga barbaarinta carruurta agoonta ciidanka…

GudahaWararka
June 12, 2024

Soomaaliya oo shir guddoominaysa shirka 75-aad ee golaha guud ee QM +Sawirro

New York (SONNA)- Gudoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada…

GudahaWararka
September 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023