Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
CiyaarahaGudaha

Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.

Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay ka aarsato wiilasha Muqdisho City Club oo sanadkii hore ka qaaday koobkan, halka Muqdisho City Club ay u dagaalami doonto inay difaacato koobkan, si sanadkii labaad oo xiriir ah  ay qaado.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-

Kooxda kubadda cagta Horseed kulankii ugu dambeyay ee wareegga afar dhammaadka waxay ka soo adkaatay naadiga Gaadiidka ciyaar ku soo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday wiilasha Horseed.

Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay rigoorayaal 4-1 ugu soo tallaabtay kooxda Geeska Afrika.

Labadan kooxood ee Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay  isku arkan kama dambeysta dheesha koobka General Daa’uud xilli markaas loo awood sheegtay wiilasha Macallin Cabdi Joon ee Horseed kaddib markii lagu lagday rigooreyaal 4-3, ciyaarta waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhammaatay 1-1.

Ciyaaryahan Farxaan Duqow ayaa wali xusuusan kaarkii casaanka uu qaatay sanadkii la soo dhaafay final-ka koobka General Daa’uud, isagoo iminka diyaar u ah inuu si awood leh u wajaho kooxda Muqdisho City Club.

Horseed iyo Muqdisho City Club sanadkan waxay kuwada jireen Guruup-ka B, iyaagoo isku soo arkay marxaladda Guruup-yada, waxayna kulankooda ku kala baxeen barbaro goolal la’aan 0-0.

Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan ciyaareedkan waxay weyn doontaa xiddigeeda weerarka ugu ciyaaro ee Bernado, kaasoo ku seegaya dheeshan kaararka digniinta (Jaalleyaal).

Tababare Cabdi Joon ayaa markii saddexaad oo xiriir ah gaaray finaal-ka koobka xiisaha badan ee General Daa’uud isagoo mar kula guuleystay Kooxda Elman, halka marna isagoo hoggaaminya Naadiga Horseed laga qaaday, galabtana waxaa markale uu diyaar u yahay inuu dheelo final-ka General Daa’uud isagoo hoggaaminaya Horseed.

Macallin hoggaamiya kooxda Muqdisho City Club Mahamed Masteri ayaa galabta dheeli doona final-kiisii ugu horreyay tan iyo markii uu badalay macalinkii hore kooxda M.C.C ee Hussein Mblango, isagoo raba inuu koobkan General Daa’uud la qaado kooxdan.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Final-ka Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC vs Muqdisho City Club

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 galabnimo

Maalinta: Khamiis

Taariikhda: 21-11-19

Qiimaha Kulanka: Lacag la’aan

Jawiga Garoonka: 30°c

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyay shirka Guddiga joogtada ah iyo kan Wakiiladda Jubbaland

Kismaayo (SONNA):Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda…

GudahaWararka
June 10, 2024

Wasiir Beenebeene: Biyihii daadku waxay burburiyeen 4 ka mid ah shanta ceel biyood ee magaalada Buulaburde

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo khudbad ka…

GudahaWararka
December 5, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Baqdaad kula kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo…

Gudaha
May 16, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo taageeray Soomaaliya

Banjul-(SONNA)-Shir-madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee Caasimadda dalka Gambia.…

GudahaWararka
May 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023