Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horjooge Cali Caraay iyo dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanka Masjid Cali gaduud(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Horjooge Cali Caraay iyo dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanka Masjid Cali gaduud(Warbixin)
MaqaalladaWararka

Horjooge Cali Caraay iyo dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanka Masjid Cali gaduud(Warbixin)

By SB
Last updated: January 4, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Horjooge Cali Caraay wuxuu ka mid ahaa Dadka deegaanka Masjid Cali Gaduud,sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen Cali ma lahayn wax Aqoon Diini iyo Maaddi ah balse markii ay deegaanka soo galeen kooxaha khawaariijta ayuu ku kadsoomay fikirkooda gurracan iyadoo mudo ka dib khawaariijtu u magacaabeen Waxay ugu yeedhaan Naaqib ama Nabaddoon sidoo kalena ah u qaabilsanaha deegaanka Masjid Cali gaduud ee kooxda khawaariijta, shaqada uu u hayey ma ahayn mid Nabaddoonimo ee waxay ahayd mid uu dhagar iyo halaag daran uu ugu geystay bulshadda ku nool deegaanka uu horjooggaha uga ahaa khawaariijta.

Dhibaatooyinka uu geystay waxa ka mid ahaa horjooge Cali caraay wuxuu wuxuu burburiyey haykalkii oday dhaqameedka deegaanka laga yaqanaay isagoo ku xukumay qaar a dil qaarna kusoo rogay xukunka xoollo aanay iska bixin karin taas oo sababtay in odayaashii dhaqanka ee deegaanku ka firxadaan deegaanka iyagoo qaarkood u soo baxsaday Muqdisho iyo goboladda kale ee dalka,takrifalka awoodeed ee gurracan ee uu sameeyey waxa ka mid ah sida Dadka deegaanku u sheegeen Wakaaladda Wararka ee SONNA in xukuno dil ah oo uu xukumay la fuliyey laguna fuliyey dad shacab ah oo waxba galabsan,dadka la dilay waxa ka mid ahaa nin safar ahaa oo deegaanka Wargaadi lagu dilay laguna duugaay deegaanka ka dib uu Cali Amar ku bixiyey in maydka laga bixiyo deegaanka isagoo diyadii/magtii ninka ku xukumay in beesha wargaadi degan bixiyaan.

Dhacdooyinka kale ee murugadda leh waxa ka mid wuxuu beelaha deegaanka kusoo rogay lacago baad ah in ay bixiyaan sidoo kale beelaha ka dhego adayga amaradiida ayuu ku xukumay in ay gaalo yihiin hantidoodana wuu boobi jiray isagoo xalaalaysanaya,dadka deegaanku waxay SONNA u xaqiijiyeen in uu haystay Xoollo uu xoog kaga qaaday dadka deegaanka sidoo kale wuxuu hanti uu leeyahay ka dhistay dhul uu xoog kaga qaaday dadkii lahaa,dhagaraha Cali Caraay intaas kuma eka ee waxa kale oo uu caan ku ahaa inuu xoog ku kaxaysto Haweenka isagoo u kala eegaynin mida xaaska ah iyo mid madaxbanaan guddoomiyaha ururka haweenka gobolka ee Banaadir guddoomiye Jawaahir baarqab oo ka mid ahayd dadka booqday deegaanka masaajidka Cali gaduud ayaa Radio muqdishu mar ay waraysi siinaysay waxay tiri” wax aan ku aragnay meeshaa wax anshaxa islaamka ka baxsan,waxay dhibaato weyn u geysteen dadka deegaanka waxay faafin jireen kutub ay ku qoreen fikirka xagjirka ah,wax aan aragnay masaajid ay beddeleen goob ay ku fidiyaan fikirka gurracan ee khawaariijta,halka uu Caraay fadhiisan jiray waxa ku aragnay irbadaha daraagiska ah,waxa yaalay taabuu iyo quraarado laga cabay khamro” guddoomiye jawaahir ayaa sidoo kale sheegtay in dadka deegaanka lagu soo rogay cuno qabatayn ganacsi.

Sidoo kale Dhacdooyinka murugadda badan ee uu geystay waxa ka mid ahaa inuu gubay Baabuurta jidka maraysay sidoo kale waxa uu aad u dhibi jiray dadka safarka ah ee isticmaala waddooyinka dhex mara deegaanka.

Saalax Cumar Xabeeb oo mid ah saraakiisha deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in deegaanka Masjid Cali gaduud hadda yahay mid nabddoon dadka deegaankana noloshoodu kasoo kabanayso dhibkay kooxda khawaariijtu gaarsiisay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hayโ€™adda SoDMA oo gargaar u qaybisay barakacayaal ku nool Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka u qaybisay 500 oo qays…

GudahaWararka
November 19, 2024

Hindiya: Diyaarad uu la socday Madaxa Difaaca oo burburtay

Diyaarad Helicopter ah oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Hindiya General Bipin Rawat iyo saraakiil kale,ayaa maanta ku burburtay Gobolka…

Caalamka
January 7, 2023

Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo ay la socdaanย  Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow…

Gudaha
January 8, 2026

Faah faahin ka soo baxay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA)-Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid Maxamud Cageey oo kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa caawa ka dhacay magaalada…

Gudaha
May 9, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023