Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya
MaqaalladaWararka

Horjoogayaasha khawaariijta oo wajahaya cabsi daran ka dib markii ay korortay tirada dhalinyaradda isu soo dhiibaysa dowladda Soomaliya

By SB
Last updated: February 25, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawaariijta ee arxanka daran ayaa maalin ba maalinta ka dambaysa laga soo xirayaa waddooyinkii halaaga iyo hadimada badnaa ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhagri jireen,kooxahan naf la caariga ah ayaa haatan dantu ku khasabtay in ay ku dhuumaalaystaan godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa korkana ay kaga sii dabooleen geedo iyo baco.

Wadooyinka hadimada badan ee kooxahan khawaariijtu adeegsan jireen lagana so af jaray ayaa waxa ka mid ahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka,dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ku qaaday ilihii dhaqaalaha ee kooxaha khawaariijta sidoo kale culima’udiinka Soomaalyeed iyo bulshadda waxgaradka ah ayaa dagaal culus ku qaaday fikirka khaldan ee kooxda khawaariijtu fidin jirtay taas oo ay ku dhagri jireen dhalinyaradda Soomaaliyeed kagana lumin jireen dariiqa saxan si ay ugu adeegsadaan dannahooda gurracan ee dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa shirka dib u heshiisiinta koonfur-galbeed waxa uu kaga dhawaaqay in dowladda Soomaliya cafis u fidisay dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaariijtu isagoo ugu baaqay in dhalinyaradda soomaaliyeed kasoo laabtaan fikirka xagjirka” Dowlad ayaad haystaan,idin taageeraysa noloshiina damaanad qaadaysa nolol iyo shaqooyin idiin abuuraysa ka soo laabta fikirka xagjirka ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha golaha shacabka  ayaa isaguna sheegay in sidii hore ba madaxweynuhu ugu dhawaaqay dhalinyaradda kasoo laabata fikirka gurracan isla markaana maqla baaqa madaxweynaha iyo baaqa culimadda la cafin doono,loona samayn doono nolol iyo mustaqbal,isagoo dhanka kale sheegay in qofkii Khawaarijta Al-Shabaab in uu ku jiro ku adkeysto in ciidanka qaranku waajibaadkooda ka gudan doonaan kana hor istaagi doonaan dhagarta ay la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Hadda ba intii dowladda Soomaliya ku dhawaaqday in la cafin doono cid kasta oo kasoo laabata fikirka gurracan ee xagjirka waxa tiro tiro iyo tarab tarab isu soo dhiibay dhalinyaradii ay lumiyeen kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faa’iidaysanaya cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda,gobolada Hiiraan,Galmudug,Shabellaha dhexe,shabeellaha hoose,Baay iyo Bakool,Banaadir iyo Jubbaooyinka ayey iska soo dhiibeen dhalinyaradii ugu badnad ee hore ugu kadsoomay fikirka gurracan ee kooxaha khawaariijtu iyagoo ka faa’iidaysanaya cafiska dowladda,tan oo ka dhigan in uu gabi ahaan ba burburay darbigii ay kala dhex dhigeen dowladda Soomaliya iyo dhalinyaradii ay khaldeen.

Dhalinyaradda tirada badan ee isa soo dhiibaysa iyagoo kasoo laabanaya fikirkii gurracanaa ee khawaariijta ayaa albaabada isugu laabtay rejo kasta oo sii jiritaan oo ay qabeen horjoogayaasha sare ee khawaariijtu waxay na god dheer ku riday damacoodii bahalnimada ahaa oo rabeen in ay kusii haligaan ummada Soomaaliyeed,kooxaha khawaariijta oo dareemay xanuunka ay leedahay in ay garbahooda ka baxayaan dhalinyaro ay hore u khaldeen ayaa bilaabay in ay dhalinyaradda ugu hanjabaan in ay dili doonaan hadii ay isu dhiibaan dowladda balse dheg uma dhigin dhalinyaradda kasoo laabanaysa fikirka xagjirka.

Dhinaca kale dhalinyaradii isu soo dhiibay dowladda helay na fursad ay ku harsadaan harka dowladnimada ayaa baaq u diray dhalinyaradda dhigooda ah ee weli kusii harsan fikirka xagjirka in ay ka faa’iidaystaan cafiska dowladda mid ka mid ah dhalinyaradda dowladda isu soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda si wacan u soo dhowaysay si wacana loola dhaqmay”meesha aan ka imid iyo meesha aan maanta joogaa waa kaaf iyo kala dheeri,saaxiibadda weli kusii harsan fikirka xagjirka waxa ugu baaqayaa in ay isaga soo tagaan”ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka xoogga dhulka Generaal Biixi ayaa yiri”ninkii isu soo kaaya dhiiba ma dilayno,wax culays ah ama dhibaato ah oo uu arki doonaana ma jirto”wax aan idiin ku baaqayaa isu soo dhiibaa dowladdiina iyo dadkiina Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Taliye Biixi dhalinyaradda weli kusii harsan gacanta kooxaha Khawaariijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda SoDMA oo dowladda Qatar kala wareegtay gargaar mucaawino ah

Muqdisho-(SONNA)-Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA…

GudahaWararka
September 19, 2023

Soomaaliya oo Bandhig Weyn ka Samaysay Carwada ganacsi iyo Dhaqaalaha Shiinaha

Changsha, Hunan(SONNA):- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta taariikh cusub qortay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane…

GudahaWararka
June 12, 2025

Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

SONNA (Muqdisho)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada…

GudahaWararka
December 26, 2021

IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii xalay Muqdisho lagu gaaray.

War qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay heshiiskii xalay magaalada Muqdisho…

Wararka
February 26, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023