Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen guryo deegaan ah oo ku yiillay jasiiradda koonfureed ee Mindanao .
Howlgalkaan oo ka dhacay Magaalada Marawi ย maalinimadii shalay,waxaa ka qeybqaatay 100 ciidan oo ka kala socday ย guutooyinka mileteriga iyo kuwa Booliska.
Ciidamada ayaa weerarary laba goobood ama laba guri oo la sheegay in muddo laba bilood ah ay si dhuumasho ah u ย deganaayeen kooxdaasi ,waxaana sida la sheegy halkaasi lagu soo afjartay nolosha laba dagaalyahan oo sare.
Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday labo kamid ah ISIL ee ugu sareeya gobolka,kuwaas ย oo kala ah Abu Zacharia, madaxa DI-Maute iyo waxa loogu yeero Amiirka ISIL ee Koonfur Bari Asia iyo Abu Morsid oo ah kooxda DI-Maute. sida ay sheegeen militariga Filibiin