Xabbad-joojin afar maalmood ah oo ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil ayaa Gaza ka dhaqan gashay markii ugu horreysay toddobo isbuuc oo ay socdeen dagaal lagu hoobtay.
39 maxbuus falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israel iyo 13 maxaabiis ah oo ku xidhan Gaza ayaa la filayaa in la sii daayo saacadaha soo socda, iyada oo sidoo kale baabuurta gargaarka ay u gudbeen Gaza.
Duulaanka militari ee Israel ayaa habeenki xalay ka socday guud ahaan Daanta Galbeed,waxaana dadka la dilay kamid ah wariye kale oo Falastiini ah Amal Zuhd iyo xubno qoyskiisa ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.
Waxaa lagu wadaa in qeybta ugu horeysa la isweydaarsado 50 maxbuus iyo 150 Falastiin ah,iyadoo tirade liiska maxaabiista ee ay soo gudbiyeen Xamaas ay gaarayaan 300 oo ruux.
Dowladda Qatar ayaa garwadeen ka ah heshiiska xabad-joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Falastiin oo manta la gudagalayo.
In ka badan 14,800 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay maraysaa qiyaastii 1,200.