Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo sida uu uga hor-imaanayo heshiiskii qaramada midoobay ee sanadkii 1948 lagu mamnuucay adeegsiga waxa loo yaqaanno xasuuqa.
Warbixintaan oo ka hadleysa Xasuuqa Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ayaa la daabacay maanta ,iyadoo la sheegay in ay wadato wareysiyo, markhaatiyaal ,falanqayn, caddeymo, muuqaallo ,sawirro iyo hadallo ay bixiyeen xukuumadda Israa’iil iyo saraakiil ciidan.
Amnesty waxa ay sheegtay in milatariga Israa’iil ay sameeyeen ugu yaraan saddex ka mid ah shantii fal ee lagu mamnuucay heshiiskii QaramadaMidoobay ee dhacay sanadkii 1948-dii.
Heshiiskaasi waxaa ku jiray in la mamnuucay dil aan loo meel dayin oo loo geystay dad rayid ah,in qofka aan loo geysan Karin waxyaabo jir ahaan iyo maskax ahaan dhaawacaya,in ay mamnuuc tahay barakicinta dadka,burburinta hantidooda iyo in la galiyo xaalad nololeed oo khatar ah.
” Israa’iil waxay ula dhaqantay Falastiiniyiinta Gaza sida koox ka hooseysa bini’aadanimada oo aan u qalmin xuquuq iyo sharaf “ayeey tiri Agnes Callamard, xoghayaha guud ee Amnesty International.
Haweeneydaasi waxay daaha ka qaadday in muddo bilo ah Israa’iil ay ku adkaysatay inay sii waddo falal xasuuq ah, iyadoo si buuxda uga warqabta dhibaatada aan laga soo kaban karin ee ay u geysanayso Falastiiniyiinta Gaza.