Xarunta Howl-gallada Gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda SoDMA ayaa qabatay kulan ay Guddiga Gurmad Qaran markii 3-aad lacag taakuleyn ah ku siiyeen agoonta waalidiintooda ku waayay Qaraxii Soobe 2 ee 29-kii bishii October 2022 ka dhacay magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmad Qaran ayaa min $500 oo doolar guddoonsiiyay in ka badan 60 qoys oo ka mid ah 78 qoys oo waaliddiintooda ku waayay qaraxaasi, kuwaas oo carruurtoodu ay gaareyso 369 dhallaan ah.
Guddigu waxa ay hore gacan taakulo ula gaareen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe 2, sidoo kale waxaa hore lacag taageero nololeed ah loo siiyay ehellada dadka dhintay iyo kuwii ku xoolo beelay weerarkaas argagaxiso.