Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kala wareegay dowladda Shiinaha lacag dhan 1,000,000 oo Dollar, taas oo qeyb ka ah gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niรฑo.
Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.
Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao ayaa deeqdaan lacagta ah ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.