Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay
    March 29, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya
    March 29, 2026
    Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub
    March 29, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka
    March 29, 2026
    Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay
    March 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

By Abdulkadir
Last updated: March 29, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.

Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.”

Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta amniga dhijitaalka ah.

Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:

* CompTIA Security+
* Certified Incident Handler – EC Council
* Cloud Security Essentials – GIAC
* ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor
* Certified Information Security Manager (CISM) ISACA
* Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2

Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma.

Sidoo kale Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).

Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka.

Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga Saaybarka iyo shaqaalaha dowladda ee xirfad sare leh.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay,…

March 29, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Uk oo Soomaaliya ugu deeqay 9-Milyan oo doollar

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale…

GudahaWararka
December 23, 2023

Madaxweyne JFS oo gaaray dalka Itoobiya

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo si…

GudahaWararka
January 11, 2025

Wasiir Mareeye “Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah waxa ay naga mudanyihiin in aan dhiirigelinno oo garab istaagno”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabja Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulan wadahadal ah la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed…

Gudaha
July 12, 2024

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Fitriga.

Muqdisho,(SONNA)- Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yusuf Cumar (Alcadaala) ayaa…

Gudaha
May 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023