Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah

By Kanaava Mohamed
Last updated: September 24, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah (NETP).

Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Maxamed Adam, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo sidoo kale wufuud ka socota ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga, ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobilka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo yiri: “Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay si weyn ugu tiirsan tahay ka-qaybgalka firfircoon ee shirkadaha isgaarsiinteenna. Kaabayaashooda, adeegyadooda, iyo aqoontooda farsamo ayaa udub dhexaad u ah qaab-dhismeedka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah ee Soomaaliya. Qorshahan waa muhiim si loo hubiyo in kaabayaasha isgaarsiinteenna ay sii ahaadaan kuwo shaqeynaya oo lagu kalsoonaan karo xilliyada musiibooyinka.”

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Macallin Aadam, ayaa intii lagu guda jiray xafladda furitaanka yiri, “Isgaarsiintu waxay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, kulankan maanta wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an nahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adag oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awooddeena qaran ee maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .”

Mas’uuliyiin ka socda Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, iyagoo bixiyay aragtiyo ku saabsan Fulinta NETP, Habka Digniinta Guud (CAP), iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee ku Shaqeeya Farriimaha Mobilka (CB EWS), kuwaas oo muhiim u ah faafinta digniino degdeg ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah.

Kulan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu qeexo doorarka iyo mas’uuliyadda ku aaddan hirgelinta qorshaha NETP, si loo hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ay gacan ka geystaan nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah.

Natiijooyinka kulankan ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan qaab-dhismeedka Qorshaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, taasoo ugu dambeyn horseed u ah isku-duwidda dhinacyada ay khusayso iyo ka-hortagga xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka NISA oo fashiliyay weerar khawaarijtu kusoo qaaday duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay

Muqdisho(SONNA);-Ciidamada Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fashiliyey weerar naf la caari ah oo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay…

GudahaWararka
October 28, 2024

Ra’isul wasaaraha XFS oo maanta hor tagaya golaha shacabka

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo arbaco ah waxaa uu khudbad ku saabsan wax…

Wararka
February 10, 2021

Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Goor-dhaw u Amba baxay Jabuuti

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka amba baxay garoonka diyaaradaha…

Wararka
August 11, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada…

GudahaWararka
September 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023