Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Gudaha

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

By Khadar Mahdi
Last updated: January 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA):– Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

• Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.

• Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.

• Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

SoDMA iyo FAO waxay sheegeen in:

• Qaar badan oo ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland oo ka da’o roob ka hooseeya intii la filayey, iyadoo degmooyin qaar sida Dangoryo ay heleen oo kaliya 7% bar-tilmaameed roobabkii la filayay.

• Deyrta aan hagaagsaneyn iyo Jiilaalka kulul ay sababi karaan biyo yari daran, dhulka oo qalala, iyo in dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda uu hoos u dhaco.

• Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo barakac baahsan, cunto yari, iyo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ka dhasha abaarta.

• Xaaladda la filayo inay dhacdo waa mid lagu tilmaamay inay la mid noqon karto abaarihii adag ee dhacay sannadihii 2017 iyo 2021.

Talooyinka SODMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SODMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

• Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.

 

• Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.

 

• Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.

• Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

FAO iyo SODMA ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga dalka oo dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay xalay deegaanka Gumeeysi-diid oo 9 km dhanka bari kaga beegan degmada…

GudahaWararka
May 12, 2023

Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Meertada 32-aad ee Jaamacadda Carabta 

Jidda(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula…

GudahaWararka
May 19, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax-dhiggay mashaariic laga fulinayo degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi-(SONNA)-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada,…

GudahaWararka
July 31, 2024

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay madaxa Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Waqooyi bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Waqooyi…

Gudaha
October 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023