Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Gudaha

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

By Khadar Mahdi
Last updated: January 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA):– Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

• Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.

• Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.

• Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

SoDMA iyo FAO waxay sheegeen in:

• Qaar badan oo ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland oo ka da’o roob ka hooseeya intii la filayey, iyadoo degmooyin qaar sida Dangoryo ay heleen oo kaliya 7% bar-tilmaameed roobabkii la filayay.

• Deyrta aan hagaagsaneyn iyo Jiilaalka kulul ay sababi karaan biyo yari daran, dhulka oo qalala, iyo in dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda uu hoos u dhaco.

• Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo barakac baahsan, cunto yari, iyo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ka dhasha abaarta.

• Xaaladda la filayo inay dhacdo waa mid lagu tilmaamay inay la mid noqon karto abaarihii adag ee dhacay sannadihii 2017 iyo 2021.

Talooyinka SODMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SODMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

• Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.

 

• Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.

 

• Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.

• Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

FAO iyo SODMA ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo…

GudahaWararka
July 28, 2025

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo…

GudahaWararka
August 16, 2023

Duulimaad ganacsi ee Kenya Airways oo ka soo deggay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle

Muqdisho, February, 9, 2024, Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa duulimaadkii u horreyay muddo ka badan labo sanno kaddib maanta…

GanacsigaGudahaWararka
February 9, 2024

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada shaqada iyo shaqaalah ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim…

GudahaWararka
December 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023