Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada oo ansixiyey taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta iyo heshiisyo muhiim ah.
    March 25, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo Taliyaha Ciidanka Asluubta u magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
    March 25, 2026
    Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga
    March 25, 2026
    Qoysas ku dhaqan duleedka  Baydhabo oo loo sameeyay biyo-dhaamin
    March 25, 2026
    Taliyaha XDS oo la kulmay Taliyaha Maraykanka u qaabilsan hawgallada gaarka ah ee Afrika
    March 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
CaalamkaGudahaTechnologyWararka

Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: February 10, 2026
2 Min Read
Share

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan, Hay’adaha HIQ iyo BTK waxay iska kaashan doonaan dhinacyada ay wada daneynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga, adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska is-Afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Isagoo ka hadlaya heshiiska is-afgaradka, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu wuxuu yiri: “Annagoo u mareyna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya.”

Dhankiisa, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda heshiiska, isagoo xusay in Heshiiskani uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, sidoo kale uu taageerayaa dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamin oo wax ku ool ah, taas oo ka qeyb qaadan doonta kobaca iyo casriyeynta qeybaha isgaarsiinta dalkeena.

Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka qeybqaatay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xariira hab-dhaqannada nidaamineed, amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta iyo heshiisyo muhiim ah.

Muqdisho-SONNA Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga…

March 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo daah furay Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka. Madaxweynaha…

GudahaWararka
June 23, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka…

GudahaWararka
August 25, 2025

Maraykanka oo cunoqabatayn saaray xubno ka tirsan khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-War qoraal ah oo ay maanta soo saartay waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 7-da dal ee xubnaha ka…

GudahaWararka
April 15, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo daah furay Mashruuca Ugbaad oo lagu horumarinayo beeraha

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac,ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu…

GudahaWararka
February 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023