Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Wararka

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

By Kulane
Last updated: September 25, 2020
11 Min Read
Share

Madaxweynaha Golaha Loo dhanyahay, martida sharafta leh, Marwooyin iyo Mudanayaal,. Waxaa sharaf iyo nasiib ii ah in aan hadaljeedintan ka sameeyo golahan maanta oo ay ku beegantahay sanad guuradii 75aad ee midnimadeenna, nabadda, horumarka iyo barwaaqada, iyada oo ay muhiim inoo tahay in aan markale balanqaadno sida ay nooga goโ€™an tahay ku dhaqanka xeerka Qaramada Midoobay, innaga oo wadar-ogol balaaran ka gaarayna iskaashi mideysan oo aan ka yeelano horumarka waara ee caalamiga ah. Ma jiraan wax ka muhiimsan Wadar-ogol, iskaashi iyo ficilo hiigsi leh oo isku mid ah inta lagu jiro caqabadahan siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dunida ka jira ee uu horseedey cudurka safmarka ah ee Karoona.

Si aan u qiimeyno tallaabooyinka aan horey u qaadayno ee ku wajahan gaarista hadafyada Horumarka Waara ee Hiigsiga 2030-ka ee inta lagu gudajiro safmarka karoona, waa in aan dib u qiimeyn ku sameynaa mustaqbalka aan dhammaanteen wada doonayno iyo nooca Qaramada Midoobay aan rabno in aan helno. Karoona waxa uu ahaa cashar arxan daran iyo dhawaqii ugu dheeraa ee hurdada ka kiciyay baahida loo qabo iskaashiga caalamiga ah, wax wadaqabsi mug leh, iyo go’aano wadareed looga hortago cudurkan. Karoonaha ma garanayo xudduud, jinsiyad, rag iyo dumar, sida dalalka u kala dhaqaale badanyihiin ama dadka , dhammaanteen waxaan wada nahay dhibanayaal. Sidaas darted waa in aan helnaa xal wadajir ah oo biniโ€™aadamka ka badbaadiya cudurkan.

Soomaaliya, dowladdeenna iyo dadkeenna waxa ay u wada shaqeeyeen si dhow oo ah sidii ay uga hortagi lahaayeen saamaynta ugu xun ee cudurka Karoonaha. Sida dowladaha caalamka oo kale, waxaana hortabinta siinay caafimaadka muwaadhiniinteenna, waxaana intii karaankeenna ah badbaadinay nafta dadka. Anaga oo si joogto ah u bixinayna adeegyo daaweyn ah, iyo wacyigalin caafimaad, dowladdeenna waxa ay samaysay wax kasta oo bulshada lagu badbaadinayo. Dadka uu ku dhacayo cudurka Karoona oo sare u kacayay xilligii uu biloowga ahaa ayaa aad hoos ugu dhacay kaddib tallaabooyinkii degdega ahaa ee ay dowladda qaadday. Markale waxaan ku celinaynaa in jawaabahan guuleystay aysan suurtogal ahaan lahayn iyada oo aysan jirin iskaashi u dhaxeeya dowladdeenna, shacabkeenna iyo bulshada caalamka.

Waxaan rabaa in aan bogaadiyo dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay kuwa kale u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsanahay samirka iyo waxgalnimada ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo si dhow ula shaqeeyay dowladda si dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalka uu u noqdo mid sii shaqeeya, iyaga oo adeegyo muhiim ah u fidinayay dadka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee lasoo maray.

Haseyeeshee guulaha aan ka gaarnay dedaaladeenna wadajirka ah ee Soomaaliya micnaheedu ma ahan in aysan wax nasoo gaarin. Sida ka muuqata tirakoobyada rasmiga ah, wax ka badan 3,000 qof oo Soomaali ah ayuu cudurka ku dhacay, illaa 100 qofna cudurka waa u dhinteen. Kuwa kale oo badan oo laga heley xanuunka ayaa wajahay xanuun iyo dhibaatooyin kale oo Karoonaha watay, kuwaas oo weli u nugul cudurka marka la eego adeegga caafimaad ee tabarta badan aan lahayn ee Soomaaliya.

Marka la eego caqabadaha caafimaad ee dunida ka jira, gaar ahaan dalalka nugul sida Soomaaliya oo kale, waxaan aaminsanahay in iskaashi balaaran oo laga yeesho xagga caafimaadka, wadaagista xogta, iyo qeybinta dawooyinka la heli karo ee Karoonaha ee hadda soosaarista lagu wado, waxaan si kama dambeys ah usoo afjeri karnaa dhibaatadii bulshada caalamka u geystay cudurka. Tani ayaa ah sida kaliya ee wadajirka ah ee aan ku xaqiijin karno mustaqbalkeenna, sidaasi darteedna waa in innaga oo ah qaramada bahoobay, aan ka dhabbeynaa dedaalkeenna wadajirka ah ee aan kaga hortagayno cudurka Karoona.

Mudanayaal , martida sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Guud ahaan dunida, dhammaan dhaqaalaha heerarkiisa kala duwan waxaa saamayn baโ€™an ku reebay cudurka Karoona, isaga oo aad u ragaadiyay dalalka nugul. Soomaaliya , sida adduunka qeybihiisa kaleba, waxaa nasoo wajahay dhaqaale xumo baโ€™an oo xanuun badan, shaqo laโ€™aan, iyo baahida loo qabo in la maalgaliyo adeegyada asaasiga ah si dadka looga difaaco safmarkan loo dhinto. Waxaad dhammaantiin nala qiri kartaan in tani shaqo balaaran ku tahay dal colaado kasoo kabanaya sida Soomaaliya oo kale , balse dowladdeenna waxay heegan u tahay in ay wajahdo caqabad kasta oo horteenna ah.

Qorshaha dhaqaale ee dowladdeena ee xilliga Karoonaha, ayaa mar labaad dadkeena geysay booska koowaad ee xagga muhiimadda, iyada oo canshuur dhaaf lagu sameeyay cunnooyinka daruuriga ah.

Hadda oo aan fileyno in meeshii ugu xumeyd lasoo gudbay, hadda waxaan si taxadar leh u bilaabaynaa in aan dib u furno dhaqaalaha si dadkeena ay noloshoodii caadiga ahayd dib ugu laabtaan. Haseyeeshee waxaan fahamsanahay caqabadaha waaweyn ee inaga hormuuqda si aan u dhisno Soomaaliya si buuxda uga soo kabatay saamaynta Karoonaha. Inaga oo xoojinayna muhiimada ay leedahay ka hortaga Karoonaha iyada oo loo marayo ficil wadajir ah, waxaan rabaa in aan qiro taageerada dhaqaale ee beesha caalamka Soomaaliya siisay ay dalkeena gaarsiisay xilligii goโ€™aan qaadashada, iyada oo deyn badan ay cafiyeen deynbixiyeyaal badan oo dunida ah. Inaga oo kusii dhowaanayno in gebi ahaanba deynta nalaga dhaafo iyada oo loo marayo dib u habayn dhaqaale, Waxaan ka dheregsanahay in mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka bulshadiisu ay aad ugu xiranyihiin horumarka mustaqbal ee adduunka intiisa kale. Mustaqbalka aan Soomaaliya la doonayno waa mid dhiirogalinaya iskaashi caalami ah, soo jiidanaya maalgelin caalami ah oo toos ah gaar ahaan qeybaha wax soo saarka, halkaas oo ay yaalaan fursado badan oo dunida lagu quudin karo, kana qeybqaadan kara hormarka kheyraadka aadamiga ah si loo abuuro fursado dheeraad ah. Qaramada Midoobay ee aan doonayno waa mid loo dhanyahay oo ah madal iskaashi caalami ah, oo aan kaliya ahayn meel fikrado laโ€™isku weeydaarsado, balse ah meel ficil loogu rogo afkaaraha. Karoonaha waxa uu dhibaato ku noqday anaga oo dhan , haddii ay tahay in la gaaro Hiigsiga Horumarka Waara waa in aan kasoo kabanaa dhibaatada cudurka si wadajir ah.

Mudanayaal, Martida sharafta leh, Marwooyin iyo Mudanayaal Qalalaasaha adduunka ka dhaca sida Karoonaha oo kale waxa laga dhaxlaa fursado iyo caqabado ay tahay in laga gudbo. Dhammaanteen waan aragnay dhibaatada caafimaad iyo tan dhaqaale ee uu keenay safmarka, kuwaas oo aan weli dareemayno, lana noolnahay.

Ma jiro dal, xitaa haddii uu wax kasta haysto, ka badgalay cudurka. Haseyeeshee iyada oo xannuunka iyo dhibaatada aan ka wada simanahay, haddane waxaan ka baqayaa in farqiga u dhaxeeya dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya iyo kuwa tabarta daran in uu sii balaaran doono. Tani waa arrin ay tahay in laga fogaado, maadaamaa ka gudbista caqabadaha taagan sida amni xumada, isbadelka cimilada, faqriga, iyo sinnaan laโ€™aanta, kuwaas oo dhammaantood dunida kasii abuuraya kala fogaansho guud ahaan adduunka, waxayna tahay in la yeesho iskaashi, lana qaado tallaabooyin wadajir ah iyo ficilo horseedi kara in Hiigsiga Horumarka Waara uu ku noqdo mid mirodhal ah.

Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysaa , lana shaqaynayaa Qaramada Midoobay sidii mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Waxaan kaalin hormuud ah ka qaadanaynaa in dadkeena ay gaaraan horumar, inaga oo wadashaqayn la yeelanayna bahwadaagta caalamka ee waxgalka ah si aan u dhisno Soomaaliya dimoqoraadi ah, dhaqaale horumarsana leh. Inkasta oo caqabado naga qabsadeen safmarka Karoonaha, waxaan weli ku hawlanahay ka shaqaynta hannaan doorasho oo loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay goโ€™aan ka gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga goan in aan meelmarino oo aan xoojino dhaqanka dimoqoraadiga iyo dowlad lala xisaabtami karo, taas oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

Waxa aan sidoo kale si guul ku dheehantahay u jabinay dhibaatada argagixisada caalamiga ah , iyada oo ay iskaashanayaan ciidamadeena geesiyaasha ah iyo ciidamada AMISOM iyo bahwadaagta kale ee caalamka si dunida ay u noqoto meel nabdoon. Waxaan ku kalsoonahay in dedaalada dowladeena iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamka , Soomaaliya in aysan kaliya ka hortagi doonin halista Karoonaha, ee sidoo kale ay gacan weyn ka geysan doonto iskaashiga caalamiga ah ee dunida looga dhigayo meel wanaagsan, adkaysi badan, oo ah meel dadka u wada simanyihiin.

Iyada oo mustaqbalka la eegayo, waxaa muhiim ah in aan gaarno Hiigsiga Horumarka Waara ee qof kasta ee muwaadhin ah ee dunidan ku nool ah. Ma yeeli karno in aan qof ka tagno. Tani waxa ay micnaheedu tahay in Qaramada Midoobay in in dardargalisaa garab istaagga dalalka iyo bulshooyinka nugul.

Qaramada Midoobay waxa ay taasi ku samayn kartaa in la caawiyo horumarka dalalka iyo shaqsiyaadka , iyada oo loo marayo habraacyada xoojinta hayโ€™adaha dowliga ah, isweeydaarka aqoonta iyo maalgalinta kheyraadka aadamiga ah. Kuwani waa maalgalin waqtiga ah oo ka qeybqaadan karta ciribtirka faqriga, iyo abuurista fursado horleh.

Gabagabada,Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta qaramada ee xubnaha ka ah waa in ay iskaashi cusub ka yeeshaan sidii looga hortagi lahaa cudurka Karoonaha.

Waa in sidoo kale uu na dhexmaraa xiriiro iyo macaamil togan, oo aan ku abuurno mustaqbal wadajir ah oo ku dhisan barwaaqo , kaas oo ku qotoma nooca Qaramada Midoobay ee aan doonayno in aan helno. Iyada oo tani laga amboqaadayo, Soomaaliya waxa ay dib u qireysaa sida ay uga goโ€™antahay iskaashiga caalamiga ah ee looga hortagyo dhammaan cabaqadaha iyo dhibaatooyinka jira, iyo sidii looga faaโ€™iideysan lahaa fursad kasta oo lagu abuuri karo duni nabdoon oo sinnaani ka jirto.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Muqdisho-(SONNA)-Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada Kooxda khawaarijta loo yaqaan (Muscab) ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga…

GudahaWararka
March 29, 2023

Maamulka gobolka Banaadir oo la dagaalamaya burcadda

Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmad Diiriye (Yabooh ) Taliyaha qaybta guud ee…

GudahaWararka
May 14, 2024

Duqa Muqdisho oo Premier bank ku amaanay doorka uu ka qaadanayo dib-u-casriyeynta Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Premier bank doorka uu ka…

GudahaWararka
May 7, 2024

Raโ€™iisul wasaare Xamsa oo sagootiyey khuburo tababar sare loogu diray Malaysia

Muqdisho (SONNA): Rโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatay khubaro ka…

GudahaWararka
November 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023