Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Wararka

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

By Kulane
Last updated: September 25, 2020
11 Min Read
Share

Madaxweynaha Golaha Loo dhanyahay, martida sharafta leh, Marwooyin iyo Mudanayaal,. Waxaa sharaf iyo nasiib ii ah in aan hadaljeedintan ka sameeyo golahan maanta oo ay ku beegantahay sanad guuradii 75aad ee midnimadeenna, nabadda, horumarka iyo barwaaqada, iyada oo ay muhiim inoo tahay in aan markale balanqaadno sida ay nooga go’an tahay ku dhaqanka xeerka Qaramada Midoobay, innaga oo wadar-ogol balaaran ka gaarayna iskaashi mideysan oo aan ka yeelano horumarka waara ee caalamiga ah. Ma jiraan wax ka muhiimsan Wadar-ogol, iskaashi iyo ficilo hiigsi leh oo isku mid ah inta lagu jiro caqabadahan siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dunida ka jira ee uu horseedey cudurka safmarka ah ee Karoona.

Si aan u qiimeyno tallaabooyinka aan horey u qaadayno ee ku wajahan gaarista hadafyada Horumarka Waara ee Hiigsiga 2030-ka ee inta lagu gudajiro safmarka karoona, waa in aan dib u qiimeyn ku sameynaa mustaqbalka aan dhammaanteen wada doonayno iyo nooca Qaramada Midoobay aan rabno in aan helno. Karoona waxa uu ahaa cashar arxan daran iyo dhawaqii ugu dheeraa ee hurdada ka kiciyay baahida loo qabo iskaashiga caalamiga ah, wax wadaqabsi mug leh, iyo go’aano wadareed looga hortago cudurkan. Karoonaha ma garanayo xudduud, jinsiyad, rag iyo dumar, sida dalalka u kala dhaqaale badanyihiin ama dadka , dhammaanteen waxaan wada nahay dhibanayaal. Sidaas darted waa in aan helnaa xal wadajir ah oo bini’aadamka ka badbaadiya cudurkan.

Soomaaliya, dowladdeenna iyo dadkeenna waxa ay u wada shaqeeyeen si dhow oo ah sidii ay uga hortagi lahaayeen saamaynta ugu xun ee cudurka Karoonaha. Sida dowladaha caalamka oo kale, waxaana hortabinta siinay caafimaadka muwaadhiniinteenna, waxaana intii karaankeenna ah badbaadinay nafta dadka. Anaga oo si joogto ah u bixinayna adeegyo daaweyn ah, iyo wacyigalin caafimaad, dowladdeenna waxa ay samaysay wax kasta oo bulshada lagu badbaadinayo. Dadka uu ku dhacayo cudurka Karoona oo sare u kacayay xilligii uu biloowga ahaa ayaa aad hoos ugu dhacay kaddib tallaabooyinkii degdega ahaa ee ay dowladda qaadday. Markale waxaan ku celinaynaa in jawaabahan guuleystay aysan suurtogal ahaan lahayn iyada oo aysan jirin iskaashi u dhaxeeya dowladdeenna, shacabkeenna iyo bulshada caalamka.

Waxaan rabaa in aan bogaadiyo dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay kuwa kale u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsanahay samirka iyo waxgalnimada ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo si dhow ula shaqeeyay dowladda si dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalka uu u noqdo mid sii shaqeeya, iyaga oo adeegyo muhiim ah u fidinayay dadka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee lasoo maray.

Haseyeeshee guulaha aan ka gaarnay dedaaladeenna wadajirka ah ee Soomaaliya micnaheedu ma ahan in aysan wax nasoo gaarin. Sida ka muuqata tirakoobyada rasmiga ah, wax ka badan 3,000 qof oo Soomaali ah ayuu cudurka ku dhacay, illaa 100 qofna cudurka waa u dhinteen. Kuwa kale oo badan oo laga heley xanuunka ayaa wajahay xanuun iyo dhibaatooyin kale oo Karoonaha watay, kuwaas oo weli u nugul cudurka marka la eego adeegga caafimaad ee tabarta badan aan lahayn ee Soomaaliya.

Marka la eego caqabadaha caafimaad ee dunida ka jira, gaar ahaan dalalka nugul sida Soomaaliya oo kale, waxaan aaminsanahay in iskaashi balaaran oo laga yeesho xagga caafimaadka, wadaagista xogta, iyo qeybinta dawooyinka la heli karo ee Karoonaha ee hadda soosaarista lagu wado, waxaan si kama dambeys ah usoo afjeri karnaa dhibaatadii bulshada caalamka u geystay cudurka. Tani ayaa ah sida kaliya ee wadajirka ah ee aan ku xaqiijin karno mustaqbalkeenna, sidaasi darteedna waa in innaga oo ah qaramada bahoobay, aan ka dhabbeynaa dedaalkeenna wadajirka ah ee aan kaga hortagayno cudurka Karoona.

Mudanayaal , martida sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Guud ahaan dunida, dhammaan dhaqaalaha heerarkiisa kala duwan waxaa saamayn ba’an ku reebay cudurka Karoona, isaga oo aad u ragaadiyay dalalka nugul. Soomaaliya , sida adduunka qeybihiisa kaleba, waxaa nasoo wajahay dhaqaale xumo ba’an oo xanuun badan, shaqo la’aan, iyo baahida loo qabo in la maalgaliyo adeegyada asaasiga ah si dadka looga difaaco safmarkan loo dhinto. Waxaad dhammaantiin nala qiri kartaan in tani shaqo balaaran ku tahay dal colaado kasoo kabanaya sida Soomaaliya oo kale , balse dowladdeenna waxay heegan u tahay in ay wajahdo caqabad kasta oo horteenna ah.

Qorshaha dhaqaale ee dowladdeena ee xilliga Karoonaha, ayaa mar labaad dadkeena geysay booska koowaad ee xagga muhiimadda, iyada oo canshuur dhaaf lagu sameeyay cunnooyinka daruuriga ah.

Hadda oo aan fileyno in meeshii ugu xumeyd lasoo gudbay, hadda waxaan si taxadar leh u bilaabaynaa in aan dib u furno dhaqaalaha si dadkeena ay noloshoodii caadiga ahayd dib ugu laabtaan. Haseyeeshee waxaan fahamsanahay caqabadaha waaweyn ee inaga hormuuqda si aan u dhisno Soomaaliya si buuxda uga soo kabatay saamaynta Karoonaha. Inaga oo xoojinayna muhiimada ay leedahay ka hortaga Karoonaha iyada oo loo marayo ficil wadajir ah, waxaan rabaa in aan qiro taageerada dhaqaale ee beesha caalamka Soomaaliya siisay ay dalkeena gaarsiisay xilligii go’aan qaadashada, iyada oo deyn badan ay cafiyeen deynbixiyeyaal badan oo dunida ah. Inaga oo kusii dhowaanayno in gebi ahaanba deynta nalaga dhaafo iyada oo loo marayo dib u habayn dhaqaale, Waxaan ka dheregsanahay in mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka bulshadiisu ay aad ugu xiranyihiin horumarka mustaqbal ee adduunka intiisa kale. Mustaqbalka aan Soomaaliya la doonayno waa mid dhiirogalinaya iskaashi caalami ah, soo jiidanaya maalgelin caalami ah oo toos ah gaar ahaan qeybaha wax soo saarka, halkaas oo ay yaalaan fursado badan oo dunida lagu quudin karo, kana qeybqaadan kara hormarka kheyraadka aadamiga ah si loo abuuro fursado dheeraad ah. Qaramada Midoobay ee aan doonayno waa mid loo dhanyahay oo ah madal iskaashi caalami ah, oo aan kaliya ahayn meel fikrado la’isku weeydaarsado, balse ah meel ficil loogu rogo afkaaraha. Karoonaha waxa uu dhibaato ku noqday anaga oo dhan , haddii ay tahay in la gaaro Hiigsiga Horumarka Waara waa in aan kasoo kabanaa dhibaatada cudurka si wadajir ah.

Mudanayaal, Martida sharafta leh, Marwooyin iyo Mudanayaal Qalalaasaha adduunka ka dhaca sida Karoonaha oo kale waxa laga dhaxlaa fursado iyo caqabado ay tahay in laga gudbo. Dhammaanteen waan aragnay dhibaatada caafimaad iyo tan dhaqaale ee uu keenay safmarka, kuwaas oo aan weli dareemayno, lana noolnahay.

Ma jiro dal, xitaa haddii uu wax kasta haysto, ka badgalay cudurka. Haseyeeshee iyada oo xannuunka iyo dhibaatada aan ka wada simanahay, haddane waxaan ka baqayaa in farqiga u dhaxeeya dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya iyo kuwa tabarta daran in uu sii balaaran doono. Tani waa arrin ay tahay in laga fogaado, maadaamaa ka gudbista caqabadaha taagan sida amni xumada, isbadelka cimilada, faqriga, iyo sinnaan la’aanta, kuwaas oo dhammaantood dunida kasii abuuraya kala fogaansho guud ahaan adduunka, waxayna tahay in la yeesho iskaashi, lana qaado tallaabooyin wadajir ah iyo ficilo horseedi kara in Hiigsiga Horumarka Waara uu ku noqdo mid mirodhal ah.

Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysaa , lana shaqaynayaa Qaramada Midoobay sidii mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Waxaan kaalin hormuud ah ka qaadanaynaa in dadkeena ay gaaraan horumar, inaga oo wadashaqayn la yeelanayna bahwadaagta caalamka ee waxgalka ah si aan u dhisno Soomaaliya dimoqoraadi ah, dhaqaale horumarsana leh. Inkasta oo caqabado naga qabsadeen safmarka Karoonaha, waxaan weli ku hawlanahay ka shaqaynta hannaan doorasho oo loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga goan in aan meelmarino oo aan xoojino dhaqanka dimoqoraadiga iyo dowlad lala xisaabtami karo, taas oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

Waxa aan sidoo kale si guul ku dheehantahay u jabinay dhibaatada argagixisada caalamiga ah , iyada oo ay iskaashanayaan ciidamadeena geesiyaasha ah iyo ciidamada AMISOM iyo bahwadaagta kale ee caalamka si dunida ay u noqoto meel nabdoon. Waxaan ku kalsoonahay in dedaalada dowladeena iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamka , Soomaaliya in aysan kaliya ka hortagi doonin halista Karoonaha, ee sidoo kale ay gacan weyn ka geysan doonto iskaashiga caalamiga ah ee dunida looga dhigayo meel wanaagsan, adkaysi badan, oo ah meel dadka u wada simanyihiin.

Iyada oo mustaqbalka la eegayo, waxaa muhiim ah in aan gaarno Hiigsiga Horumarka Waara ee qof kasta ee muwaadhin ah ee dunidan ku nool ah. Ma yeeli karno in aan qof ka tagno. Tani waxa ay micnaheedu tahay in Qaramada Midoobay in in dardargalisaa garab istaagga dalalka iyo bulshooyinka nugul.

Qaramada Midoobay waxa ay taasi ku samayn kartaa in la caawiyo horumarka dalalka iyo shaqsiyaadka , iyada oo loo marayo habraacyada xoojinta hay’adaha dowliga ah, isweeydaarka aqoonta iyo maalgalinta kheyraadka aadamiga ah. Kuwani waa maalgalin waqtiga ah oo ka qeybqaadan karta ciribtirka faqriga, iyo abuurista fursado horleh.

Gabagabada,Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta qaramada ee xubnaha ka ah waa in ay iskaashi cusub ka yeeshaan sidii looga hortagi lahaa cudurka Karoonaha.

Waa in sidoo kale uu na dhexmaraa xiriiro iyo macaamil togan, oo aan ku abuurno mustaqbal wadajir ah oo ku dhisan barwaaqo , kaas oo ku qotoma nooca Qaramada Midoobay ee aan doonayno in aan helno. Iyada oo tani laga amboqaadayo, Soomaaliya waxa ay dib u qireysaa sida ay uga go’antahay iskaashiga caalamiga ah ee looga hortagyo dhammaan cabaqadaha iyo dhibaatooyinka jira, iyo sidii looga faa’iideysan lahaa fursad kasta oo lagu abuuri karo duni nabdoon oo sinnaani ka jirto.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay xuska 26ka June “SAWIRRO”

Muqdisho...(SONNA)...Madaxda Qaranka ayaa xaruunta Madaxtooyadda dalka uga qayb galay munaasabadda xuska sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay maalintii ugu horeysay…

Gudaha
June 26, 2021

RA’IISUL WASAARAHA ETHIOPIA OO MAANTA BOOQASHO KU IMAANAYA MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali ayaa maanta booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka…

GudahaWararka
February 27, 2025

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Muqdisho(SONNA):-Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah ee ' Indra Gandhi' ku soo dhaweysay toban diblomaasiyiin oo ka…

GudahaWararka
August 3, 2025

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo Magaalada Kampala lagu soo dhaweeyay

Kampala, (SONNA): Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee wadanka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee caasimadda…

GudahaWararka
November 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023