Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)
Maqaallada

Guulaha hordhaca ah ee howlgalka xoreynta deegaannada bariga Wabiga Shabeelle (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 22, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Duulaanka safka ballaaran ee howlgalka dhammeystirka wejiga koowaad ee xoeynta Dalka ee lagu baacsanayo Khawaarijta ku go’doonsan bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijiyay guulihii ugu horeeyay.

Ciidamo ka tirsan xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo ka dhaqaaqay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa la wareegay deegaanka Wabxo oo ay isaga baxeen maleeshiyada kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Al-shabaab.

Ciidamo isugu jira halyeeyada xaq-u-dirirka dadka deegaanka iyo kuwa xoogga Dalka oo uu horkacayo gudddoomiyaha degmadaas ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannada kala ah Daadaale, Habar-cirir, Xiin-fardood iyo Jaaw oo dhammaantood hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Ciidamo habeenimadii xalay ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa kaabiga ku haya deegaanka Ceel-lahelay oo ay u jireen wax ka yar 10-km, iyagoo muddadii waddada ku sii jireen ku guuleystay bur-burinta fariisimo maleeshiyada ku lahaayeen deegaannada Sinidhaqo iyo Dhuumoodle ee gobolka Galguduud.

Marka laga reebo, miinooyin ay ku aaseen waddooyinka deegaannadaas gala oo lagu guuleystay soo saaristooda, ciidamada qaranku iyo dadka deegaanka lama kulmin wax iska caabin ah.

Galcad oo iyana Galguduud ka tirsan waxaa ku sugan Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Ibraahim sheekh Muxudiin  oo hoggaaminaya guluf xooggan oo qeyb ka ah howlgalka lagu qabanayo degmada faca weyn ee Ceelbuur si go’doonka looga saaray shacabka degmadaas oo in ka badan 15-sano Khawaarijtu haysato.

Sidoo kale, ciidamo badan oo ka dhaqaaqay Cadaado, Baxdo, Wisil iyo Xarar-dheere ayaa iyagana foodda ku haya deegaanno hore Khawaarijtu u maamuli jirtay oo uu ka mid yahay deegaanka Xiin-dheere, balse haatan badankooda ah isaga baxeen ka dib markii ay dareemeyn culeys weyn oo soo food-saaray.

Waxaa muuqata, in si habsami leh u socdo, guulo wax ku ool ahna lagu daah-furay dhammeystirka howlgalka wejiga koowaad ee dagaalka Dalka looga xoreynayo  Khawaarijta ka dib 16-habeen oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud caasimadda Galmudug u joogay agaasinka howlgalkan oo muhiim u ah qorshaha guud ee ka taqalusidda Khawaarijta.

Howlgalka waa mid si xowli ah u socda, daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa la filan karo guulo hor leh oo ay gaaraan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waana dhab waxaa muddo ka dib soo afjarmay jiliinkii Khawaarijta iyo gumaadka ay ku hayeen shacabka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xorreynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka…

MaqaalladaWararka
January 17, 2023

 Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa…

MaqaalladaWararka
January 14, 2023

Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa” (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka…

Maqaallada
July 3, 2023

Maxaad kala socotaa dilaaga qarsoon?

Muqdisho(SONNA):-Dhagarqabayaasha khawaariijta waxay gumaadka shacabka Soomaaliyeed u adeegsadeen xeellado kala duwan kuwaas oo ka fog dadnimada muujinaysana dullinimada kooxda khawaariijta,maanta…

MaqaalladaWararka
February 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023