Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA (2024-2029).
Shirkaan waxaa aaladda fogaan arag ah ee (Zoomka) uga qaybgalay Qaar ka mid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkaan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hayโadda shanta sano ee soo socta.
Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hayโadda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u danbaysay ay waday la tashayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka, beesha caalamka, iyo wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.